4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
W. Caafimaadka oo beeniyay in Ciidan loosoo waday Somalia laga helay Ebola


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed) oo maanta wareysi gaar ah siiyay HOL ayaa beeniyay in ciidamo Soomaaliya loosoo waday oo ka imaan lahaa dalka Sierra Leone mid ka mid ah laga helay cudurka Ebola, iyadoo Sierra Leone ay ka mid yahay waddamada uu cudurkan aafeeyay.

Mudane Cali Xareed ayaa hoosta-ka-xariiqay inaysan jirin ciidammo ay ka war-hayaan oo dowladda Sierra Leone ay keeni lahayd Soomaaliya, isagoo warka arrintan ku saabsan ku tilmaamay mid aan jirin oo aanu ogeyn meel laga keenay.

“Annaga iyo AMISOM horay ayaan go’aan ugu gaarnay inaan la keeni karin Soomaaliya ciidammo ka socda dalalka uu cudurka Ebola ka dillaacay; mana ogin ciidammo u soo socday Somalia oo Ebola laga helay,” ayuu ku sheegay wasiirka caafimaadka wareysiga uu siiyay HOL.

Sidoo kale, wasiirka oo aanu weydiisay su’aal ahayd in warkan ay qoreen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka caalamka sida Reuters, ayaa kaga jawaabay inaanay jirin wax ay arrintan ka og-yihiin, meel warkaas laga keenayna aanu ogeyn.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ebola uu u soo gudbo Soomaaliya uu dhibaato badan geysan karo, sidaa awgeedna ay go’aan ku gaareen inaysan u ogolaan inay ciidammo ka socda dalalkaas yimaadaan dalka.

“Aniga ayaa ah wasiirka caafimaadka Soomaaliya, caafimaadkana dadkana mas’uul ka ah, marka cid kale oo la weydiinayo ma jirto, lamana keeni karo dalkan ciidammo ka socda dalalka uu cudurkan ka jiro,” ayuu wasiirku mar kale yiri.

Dalka Sierra Leone ayaa  wuxuu ka mid yahay dalalka Afrika ee ay ka socdaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu si gaar ah uga howlgallaan gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Hadalka wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Cali Xareed ayaa imaanaya xilli la sheegay in guuto ciidammo ah oo ka socda dalka Sierra Leone oo bedeli lahaa ciidammo AMISOM ka tirsan oo dalkaas ka jooga Somalia laga helay mid ka mid ah cudurka halista ah ee Ebola, taasoo keentay in ciidamadaas oo dhan la karantiilo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya