4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Culumaa’udiinka Minneapolis oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda HARO


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Hay'adda HARO oo ka mid ah kuwa ka shaqeeya gargaarka Soomaaliya ayaa xalay ka gudoomay deeq lacageed oo dhan 50,000 oo doollar maamulka golaha imaamiyada Waqooyiga America iyo masaajidka Abuukar AS-Sadiiq ee magaalada Minneapolis.

Deeqdan oo Jimcahii lasoo dhaafay laga ururiyay masaajiddo hoos taga golaha oo ay ku moodoobeen 25 masaajid oo ku yaalla gobollada dalka Maraykanka, waxayna hore u sii direen 10.000 oo doollar sida wuu goobta ka sheegay Sh. Cabdullaahi Abu-fadli oo ah madaxa isku-duwidda deeqda markii lagu daro 50-kun ay noqonayso lacagta guud ee lagu wareejiyay hay’adda HARO 60-kun oo dollar.

Imaamka Masjidka Abuubakar, Sh. C/raxman Sh. Cumar oo goobta ka sheegay inay ka go’an tahay inay u istaagaan inay caawiyaan dadka ku nool gobol kasta oo dhibaato ka dhacdo gudaha Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan xaaladaha ka jira, sida diinteennu ay na farayso.

Madaxa hay’adda HARO, Cali Xaaji oo isna goobta ka hadlay ayaa ka hadlay halka ay xaaladdu marayso, isagoo kusoo bandhigay goobta sawirro laga soo qaaday deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen; waxuuna dadka muslimiinta ah ka codsaday inay u istaagaan sidii ay u taageeri lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku dhacday, isagoo ballan-qaaday in sidii looga bartay hay'adda HARO ay dhaqso deeqdaa ku gaarsiin doonaan deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen.

Ugaas Ismaaciil oo ka mid ah isimada gobolka gobolka Gado ayaa isaguna u mahadnaqay HARO kulana dardaarmay hay’ada inay wax ka qabato meelaha ay abaaruhu ku dhufteen, isagoo carabka ku dhuftay meelaha ugu daran oo ay ka mid yihiin; Faafax-Dhuun, Gariley, Gansaal, Busaa, Samaroole, Ceel-Gaduud iyo Ceel-Cadde oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gedo.

Waxaa iyaguna goobta ku sugnaa oo hadallo mahad-celin ah ka jeediyay qaar ka mid ah qubo-joogta kasoo jeeda gobolka Gado oo soo qabanqaabiyay kulan dhici doona Sabtida soo socota, kaasoo ku saabsan sidii dhaqaale intaan ka badan loogu ururin dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen, kaasoo ka dhici doona Safari Hall MPLS.

Ugu dambeyn, culummaa'uddkii goobta ka hadashay waxay gobollad baaruhu ka dhaceen u akhriyeen duco gaar ah oo ay Alle uga baryayeen inuu abaaraha ka dul-qaado shacabka ku nool deegaannadaas.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA