4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Mareykanka oo ka digay Weerarro ay Al-shabaab ka geysato Xarunta Itoobiya


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa dingiin ay soo saartay ku sheegtay in laga yaabo inay Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida laga yaabo inay qaraxyo ka geysato magaalada Addis Ababa.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool Addis Ababa ayaa looga digay inay tagaan goobaha ay dadku ku badan yihiin, si ay uga nabad-galaan weerarka laga yaabo inay Al-shabaab ku qaaddo xarunta Itoobiya.

“Waxay safaaraddu heshay hanjbaadyo ka imaanaya Al-shabaab, taasoo ku saabsan inay beegsanayaan garoonka diyaaradaha Itoobiya ee Bole oo Addis Ababa ku yaalla,” ayaa lagu sheegay wabixin ay safaaraddu ku daabacday bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

“Shacabka Mareykanka ah waxaan uga digaynaa inay tagaan goobaha ay ka mid yihiin; baararka laga cunteeyo, hoteellada, goobaha cibaadada, goobaha laga dukaameysto iyo suuqyada waaweyn eek u dhow garoonka Bole, kuwaa ay suurogal tahay in la beegsado, illaa aan soo saarayno warbixin kale,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaaradda.

Itoobiya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM, iyadoo la xusuusto in Al-shabaab ay horay ugu hanjabtay inay beegsanayso dalalka ay ciidamada ku sugan Soomaaliya ka socdaan.

Bishii Juun ee lasoo dhaafay ayay ciidamada amniga Itoobiya ku xireen 25-qof deegaanka Jimma oo dhinaca Koonfur-bari kaga beegan Addis Abba, iyagoo sheegay inay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab. Sidoo kalena bishii Oktoobar ee sannadkii hore laba qof oo Somalia ah ku qarxay Addis Ababa, kuwaasoo la sheegay inay sameynayeen bambaanooyink ay ku weerari lahaayeen garoonka kubadda cagta Addis Ababa.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Itoobiya, Redwan Hussien madaxa xiriirka wasaaradda isgaarsiinta Itoobiya, Shimeles Kemal iyo sidoo kale afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Dina Mufti oo dingiintan ku saabsan qorshayaal ay Al-shabaab ku weerarayso Itoobiya oo safaarada Mareykanku ay soo saartay oo wax laga weydiiyay ayaa ku jawaabay inaysn waxba kala socon.

Ugu dambeyn, safaaradda ayaa sheegtay inaysan si dhab ah u ogeyn halka lala beegsan karo weerarrada argagaxiso, iyadoo xustay in muwaadiniinta u dhashay Mareykanka ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya