4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Danjire Nicholas Kay oo Golaha Ammaanka uga War-bixiyay Xaaladda Somalia


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegtay in xalaadda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ka jirta ay aad uga sii darayso, isagoo xusay in 3-milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

Danjire Kay ayaa kulankii xalay ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka sheegay in tirade Soomaalida ah ee haatan u baahan gargaarka ay yihiin 20% tirada guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, isku-duwaha gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Phillip Lazzaranni ayaa sheegay in 50,000 oo caruurta Soomaaliya ah ay qarka u saaran yihiin geeri, haddii aysan helin gargaar lagu badbaadiyo oo deg-deg ah.

“Hal milyan oo qof oo ku nool gobollada Soomaaliya qaarkood ayaa si deg-deg ah ugu baahan gargaar bani’aadamnimo, kuwaasoo 250,000 oo qof ay yihiin caruur. 50,000 oo qof oo carruurtaas ka mid ah ayaa qarka u saaran geeri, haddii aan gargaar dhaqso ah lala gaarin,” ayuu yiri Lazzaranni.

Dhanka kale, danjire Nicholas Kay ayaa kulankii golaha ammaanka ee xalay ka sheegay inay fududahay hadda in gargaarka bani’aadamnimo la gaarsiiyo deegaannada ay ku nool yihiin dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

“Al-shabaab dib ayaa loo riixay, deegaanno badan ayaana laga saaray, waa in laga shaqeeyo in dadka ku nool la gaarsiiyo gargaar bani’aadamnimo,” ayuu Kay ka sheegay kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ergaygu wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in sannadkan Al-shabaab laga saaro goobaha ay hadda ku sugan yihiin, ayna dowladdu u heli doonto fursad inay xukunkeeda ku baahiso dalka oo dhan.

“Weli waxaan ka walaacsanahay muranka siyaasadeed ee madaxda dalka soo dhex-gala mararka qaarkood. 12-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaa la soo maray muranno soo dhexgalay hay’adaha dowladda Somalia,” ayuu yiri, isagoo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku boorriyay inay ka shaqeeyaan sidii ay waddada ugu xaari lahaayeen geeddi-socodka loogu jiro nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Nicholas Kay oo sii hadlayay ayuu yiri. “Haddii xubnaha baarlamaanku aysan meel-marin sharciyada muhiimka ah ee furaha u ah horumarka Soomaaliya, inaan lagu guuleysan karin in dalka la gaarsiiyo doorashooyinka marka la gaaro sannadka 2016-ka.”

Ugu dambeyn, wuxuu danjire Kay wuxuu walaac ka muujiyay arrimaha ku saabsan xuquuqul aadanaha, isagoo ka sheegay kulanka golaha ammaanka in weli ay dalka ka jiraan xarig lagu hayo suxufiyiinta, kuwaasoo qaarkood ay weli iska xiran yihiin iyadoo aanay maxkamadi xukumin. Sidoo kalena la xirayo xarumaha warbaahinta, welina ay sii kordhayaan caqabadaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya