4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Dagaallo gobolka Galguduud ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab

Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Ugu yaraan sideed qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ku dhexmaray gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen oo u dhexeeya degmooyinka Dhuusomareeb iyo Ceel-buur oo ka tirsan gobolka Galguduud, ayna gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.

Madaxa Amniga magaalada Dhuuso-mareeb, Mahad Khaliif Rooble oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in xoogag Al-shabaab ka tirsan ay isku dayeen inay arbushaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM, balse jab xooggan loo geystay.

“Waxaa deegaanno ay ka mid tahay Ceel-la-helay ka dhacay dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda Somalia, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab, khasaare xooggana loo geystay Al-shabaab lagana dilay lix qof ka mid ah xoogaggii u dagaalamayay,” ayuu yiri Rooble oo aan sheegin khasaare soo gaaray dhinaca dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa u sheegay iyaguna in dagaalka ay ku dhinteen sideed qof oo labada dhinac ka tirsan, kuwaasoo ay ku jiraan ciidammo Itoobiyaan ah.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xoogag Al-shabaab ka tirsan ay jidka u galeen gaadiid ay wateen ciidammo Itoobiyaan ah oo gumad ahaan ugu socday deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayna khasaar gaarsiiyeen.

Balse, Rooble oo VOA-da wareysi siinayay kana hadlay arrintan ayaa xusay in aysan jirin ciidammo Itoobiyaan ah oo jidka loo galay, isagoo sheegay in Al-shabaab aysan jidka u geli karin ciidammo socda.

Illaa hadda ma jirto cid ka tirsan Al-shabaab oo dagaalka ka hadashay, balse deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia ayaa waxaa weli gacanta ku haysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya