4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Xukuumadda Guddi heer Wasiirro u Magacowday Joojinta Dagaallada Deefoow


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa guddi heer wasiirro ah u magacowday joojinta dagaallo-beeleedka ka socda deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan ka socda, waxayna xukuumaddu ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan colaadda ayna khilaafkooda qaab nabadgalyo ah ku dhameeyaan.

Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg ahna ku simaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga wasiirrada ah ee loo saaray colaaddaas oo si wadajir saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in dagaallada Deefoow ay dhowr jeer soo laalaabteen, xukuumadduna ay u magacowday guddiga heer wasiirro ah oo soo afjara dagaalladaas.

“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda federaalka waxaa ka xunnahay in colaadda iyo dagaallada soo noq-noqotay ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex-martay deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan. Waxaana dadkii ay ehelladooda ku dhinteen u diraynaa tacsi,” ayuu yiri wasiirka Amniga oo ku daray intaas in dhinacyada dagaallamaya ay colaadda deg-deg u joojiyaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa wuxuu intaas ku daray. “Dhammaanteen waxaa na damqinaysa inaan maqalno dagaal dhiig ku daatay ee beelo walaalo ah dhex-maraya. Sida kaliya ee lagu xallin karana waa wada-xaajood labada dhinac dhexmara, waxaanan xasuusineynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqonayn.”

Ugu danbeyn, ku-simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amray hay’adaha Amniga dowladda federaalka Somalia ee ka howlgala gobolka in ay kala dhex-galaan beelaha; iyagoo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo ciidamadda midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya