4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Madaxweynaha oo la Kulmay Sharikado Daneynaya Maal-gashiga Soomaaliya

Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adda MEDEF oo ay xubno ka yihiin 6,000 oo sharikadaha Faransiiska ah, isla markaana wakiil ka ah shirkado caalami ah oo gaaraya 800,000 oo qaar badan oo ka mdi ahi ay ka howlgalaan Qaaradda Afrika.

Xasan Sheekh oo hadal kooban ka jeediyay kulanka oo ka dhacay xarunta MEDEF ayaa sharikadahan ku dhiirri-geliyay inay maal-gashi ku sameystaan Soomaaliya oo uu sheegay inay hadda dib u dhismeyso.

Sidoo kale, wasiirrada arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, difaaca, Maxamed Sh. Xaamud iyo la-taliyaha madaxweynaha ee siyaasadda, Aweys Sheekh Yusuf ayaa iyaguna khudbado ka jeediyay shirka, waxayna ka jawaabeen su’aalo ay weydiiyay wakiillo ka socda sharikado ka shaqeeya arrimaha Amniga, dhaqaalaha, beeraha, maaliyadda, tababbarrada, tiknolojiyadda, gaadiidka cirka, badda iyo dhulka oo ay ku jiraan tareennada.

Madaxweynaha ayaa sharikadahaas u ballan-qaaday in heshiiska ay la galaan Soomaaliya uu waarayo oo aan ku xirnayn madaxda maanta joogta oo keliya, ayna lasii shaqeyn doonaan madaxda iyaga bedesha.

Intaa kaddib, waxaa madaxweynuhu iyo wafdigiisu ay mid-mid u qaabileen sharikado Faransiis ah oo isugu jira kuwa ka shaqeeya Soomaaliya iyo qaar doonaya inay hadda ka howgalaan oo madaxweynaha weydiinayay su’aalo xog-ogaalnimo ku dheehan tahay.

Ugu dambeyn, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi oo isaguna shirka soo qaban-qaabiyay ayaa ku tilmaamay in kulankaan uu yahay mid wax weyn ka taraya isku-xirka sharikadaha Somalia iyo kuwa Faransiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya