4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Puntland oo dalbatay in dabagal lagu sameeyo heshiiskii lagu saxiixay Garowe

Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Iyadoo  maalin ka hor ay Garoowe heshiis  kuwada gaareen dowladda Federaalka ah iyo maamulka Puntland ayaa haddana waxaa soo muuqanaya shakiga ay Puntland ka qabto in heshiiska sidii loogu-tala galay loo hirgaliyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi-Hakim Cumar Camey ayaa ka dalbaday beesha caalamka in ay indhaha ku hayso habka loo hirgaliyo heshiiskii ay xubno ka socda dowlada Somaliya iyo Puntland wada gaareen shalay.

“Waxaan qabaa yacnii in Somali had iyo jeer ay u fududdahay in la saxiixo heshiiska la galo ,waxaana ka codsanayaa dhinacyada heshiiskan saxiixay in uu noqdo mid mira dhala yaanu lamid noqonin heshiisyadii hore“ayuu yiri Camey oo Garowe warbaahinta kula hadlay.

“Si la mid  ah waxaan dalbanaynaa in beesha caalamku ay daba-gala ku sameeyaan oo ogaadaan sida dowladda federaalka  ay dhab uga tahay  wixii la saxiixay “ayuu mar kale yiri madaxweyne ku xigeenka Puntlnad oo ku dheeraaday ahmiyadda uu heshiiskan u lahaa labada dhinac.

Heshiiskan shalay la wada gaaray oo ka koobnaa 12-qodob ayaa waxaa soo dhaweeyay laamaha Qaramada Midoobay ee Somaliya iyo ururro caalami ah, kuwaasoo ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah loona baahnaa in la wada gaaro,waxaana uu meesha ka saaray khilaaf muddo soo jiitamayay oo labada dhinac ka dhaxeeyay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]