4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Magaalada Kismaayo oo laga xusay Maalinta fara-xalka Adduunka (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Maalinta fara-xalka adduunka oo ku beegan maanta ayaa laga xusay magaalada Kismaayo iyadoo munaasibaddii xuska maalinta faraxalka ay ka dhacday xerada barakacayaasha ee Dalxiiska oo ku taaal duleedka waqooyi  ee  magaalada Kismaayo.

Munaasibaddii maanta oo uu soo agaasimay maamulka Jubba ayaa  waxaa kasoo qeybgalay madax ka socotay wasaaradda caafimaadka maamulka Jubba, xubno ka socday hay’adda IOM, waxaa ugu horeeyn Shaqaale katirsan hay’adda IOM ay goobta kusoo bandhigeen habka ugu haboon ee gacmaha loo dhaqo, iyadoo goobtii ay kusoo bandhigayeen ay ku sugnaayeen dad badan oo barakacyaal ah.

Max’ed Muxumed Xiireey oo kamid ah masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee maamulka Jubba ayaa ugu horey halkaasi ka hadlay, isoo ka sheekeeyay muhiimadda caafimaad ee ay leedahay in gacmaha la dhaqo, waxa uuna sheegay in shareecada Islaamka ay amreeyso qofka in uu jirkiisa nadiifiyo, gaar ahaan xilliyada salaadda kahor oo uu xusay in weeysada lagu dhaqo dhammaan xubnaha ugu muhiimsan ee bini'aadamka.

Gabagabadii munaasibadda ayaa waxaa ka hadlay Bashiir Max’ed Mukhtaar oo kamid ah madaxda hay’adda IOM ee magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in faraxalku muhiim u yahay caafimaadka biniaadamka, islamrkaana la doonayo in qofku gacmahiisa nadiifiyo marka uu suuliga isticmaalo kadib amaba kahor inta uusan wax cunin.

15- oktoobar ayaa ah maalin caalami ah oo loo asteeyay in gacmaha lagu dhaqo saabuun, iyadoo dhaqaatiirtu ay sheegeen in gacmaha oo si wanaagsan loo dhaqaayi ay ka hortag u tahay cudurro badan oo faafa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya