4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
In ka badan 100 arday oo ka qalin-jabisay Jaamacada Nugaal ee Laascaanood


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Munaasabad ay ku qalin-jabiyeen 115 arday oo wax ka bartay Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood isuguna jiray rag iyo dumar ayaa lagu qabtay xarunta ay ku leedahay jaamacaddu magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.

Xafladda ayaa waxaa warbixin kasoo jeediyey guddoomiyaha Jaamacadda, Prof. C/risaaq Maxamed Aadan (Lafoole) oo ka warbixiyey guulihii ay 10-kii sano ay jirtay gaartay. Prof. Lafoole ayaa sheegay inay shan kuliyadood ay ardaydani dhamaysatay, kuwaasoo ay ka mid yihiin ka mid yihiin kuliyadda caafimaadka, shareecadda, luuqadaha, cilmiga kambiyuutarka iyo maarayta ganacsiga.

Madaxa shirkada isgaarsiinta Golis ee gobolka Sool, Sheekh Aadan Cali Nuur oo ka mid ahaa ardaydii dhamaysatay kuliyadda shareecada ayaa sheegay in uu ka mid ahaa ardaydii jaamacaddii Umada Soomaaliyeed ku guulaystay 1990-kii, balse aan nasiibka u yeelan inay wax-bartaan, isagoo xusay inay ahayd inuu 20-sano ka hor qalin-jabiyo, balse dib ugu suurogashay inuu ka baxo maanta waxbarashadii jaamacadeed ee ugu horreysay.

Sidoo kale, madaxa shirkada Isgaadhsiinta Telesom, Cabdirisaaq Axmed Warsame oo ku hadlayay magaca ganacsatada ayaa ballan-qaaday inay wixii shaqo ah ee ay awoodaan ardayda Jaamacadda Nugaal u fududeyn doonaan, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada inay xirfadaha shaqo ee ay ku bixinayaan eheleysiga ka tanasulaan oo aqoon ku qaataan shaqaalahooda si aan looga niyad-jabin waxbarashada.

Qaar badan oo ka mid ah ka qayb-galayaashii munaasabaddaas oo ay ka mid ahaayeen qurbo-joog, aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin ayaa lagu soo bandhigay baahida lagama maarmaanka ah ee waxbarashada khaasatan tan jaamacadaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiir u dowlaha horumarinta gobolada Bari ee Somaliland, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) ayaa isna hambalyo kaddib ballan-qaaday inay dhisi doonaan qaybaha qabyada ah ee jaamacadda, iyagoo la kaashanaya dadka ku nool magaalada Laascaanood iyo qurbo-joogta gobolka.

Dhanka kale, Cali Sandule ayaa ballan-qaaday inay dhisi doonaan dugsiga xannaanada carruurta ee Laascaanood oo illaa 1991-kii ahaa meelo bur-bursan, waxaa kaloo uu sheegay in lagu joogo hadda waddadii horumar lagu gaarsiin lahaa magaalada Laascaanood.

Ugu dambeyn, munaasabadda oo dadka kasoo qayb-galay ay aad u fara badnaayeen ayaa ahayd tii ugu ballaarnayd ee ka dhacda Jaamacadda Nugaal iyo tiradii ugu badnayd ee mar qura ka qalin-jabisa.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool