4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
MUUN-GAAB: "Sannadka 2015-ka Muqdisho Waxaa ka Dhici Doonta Doorasho"


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa shegay in sanadka 2015-ka ee soo socda ay Muqdisho ka dhici doonto doorashada dowladaha hoose ee Muqdisho. Isagoo dhinaca kalena eedeyn u jeediyay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Muun-gaab ayaa hadalkan ka sheegay xaflad tababar loogu furayay xubnaha maamullada degmooyinka gobolka Benaadir iyo guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Muqdisho ay ka kooban tahay oo shalay ka dhacday Muqdisho.

“Sannadka soo socda ee 2015-ka waxaa Muqdisho ka dhacaysa doorashada dowladaha hoose ee Xamar, waana qorshe aan ku doonayno in Muqdisho ay yeelato duq magaalo oo lasoo doortay,” ayuu Muun-gaab ka sheegay shirka.

Duqa Muqdisho wuxuu hadalkiisa ku daray in doorashooyinka ay billow u noqon doonaan qorshaha uu higsanayso dowladda hoose ee Muqdisho, taas oo ah inay dalka doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka doorasho ka dhacdo Muqdisho.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Muun-gaab ayaa eedeyn kulul u jeediyay wasaaradda maaliyadda, isagoo sheegay inay gaadiidka Muqdisho ka baxaya iyo kuwa soo galayaba ay lacago aan sharci ahayn ka qaadaan.

DHAGEYSO: DUQA MUQDISHO - MUUN-GAAB

“Gaadiidka soo galaya Muqdisho iyo kuwa ka baxaya waxay wasaaradda Maaliyaddu ka qaaddaa lacago aan sharci ahayn oo meel ay kitaabka iyo sharcdiyada canshuuraha dalka uga qoran tahay aysan jirin,” ayuu mar kale yiri Muun-gaab.

Isagoo sii hadlaya ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir sheegay in taasi ay ku timid jiritaan la’aanta uusan jirin golaha deegaanka gobolka iyo sidoo klae duq magaalo oo ay shacabkku soo doorteen, kuwaasoo ah kuwa sida gaarka ah awoodda ugu leh inay lacagahaas sharci-darrada gaadiidka looga qaadayo hor-joogsadaan.

Dhanka kale, wuxuu xusay in maamulka gobolka Banaadir uusan helin lacagihii 15% ahaa ee looga qoondeeyay dekedda Muqdisho, isgaoo xusay in ay arrintu marayso in maamulka gobolka Banaadir uu noqdo waax ka tirsan wasaaradda maaliyadda.

“Bulshada in dhibaato lagu hayo, innagu aan kursigeenna ka fikirno waa mid doqonnnimo, dib-u-socodnimo iyo jaahilnimo, mana aqbalayno; waana inay bulshada Muqdisho yeelataa maamul lasoo doortay, ayna ku xisaabtano wixii ay federaalka iyo wasaaraddaa maaliyadda ku leeyahay gobolka Banaadir,” ayuu Muun-gaab hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka ka dago marka la gaaro sannadka 2015-ka ay cid walba u tartanto doorashada golaha deegaanka Muqdisho iyo duqa magaalada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya