4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Madaxweyne Xasan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Magaalada Paris


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somali, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray xarunta dalka Faransiiska ee Paris, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas, François Hollande.

Labada madaxweyne ayaa kawada hadli doonaan iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya iyo in Soomaalida gacan laga siiyo dib u dhiska dalka.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr. C/raxman Beyle, wasiirka difaaca, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Amniga, C/raxmaan Ciise iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisu waxay galabta booqdeen safaaradda Soomaaliya ee magaalada Paris oo ka mid ah dhismayaasha ay Somalia ku leedahay ee dalalka caalamka qaarkood.

Danjiraha Somalia u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Siciid Faqi ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed ay si rasmi ah isku soo hor-fariistaan madaxweynaha Faransiiska tan iyo markii dowladdii Somalia ay burburtay sannadkii 1991-kii.

Fiqi ayaa sheegay in taasi ay muujinayso isku soo dhawaashaha Soomaaliya iyo Faransiiska iyo sida uu hadda caalamku ugu soo jeestay inuu iskaashiyo dhinacyo badan leh la sameeyo Soomaaliya.

Inkastoo danjiruhu uu sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo ay si rasmi ah kulan u dhexmaro madaxweyne Soomaaliyeed iyo madaxweyne Faransiis ah ayaa haddana waxaa jirta in horraantii bishii May ee sannadkii 2008-da uu magaalada Paris booqday marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marakasoo uu kulan la qaatay madaxweynihii xilligaas ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya