4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Mid ka mid ah Ciidammo loo soo waday Somalia oo laga helay Cudurka Ebola


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Askari ka mid ahaa 800 oo askari oo xukuumadda Sierra Leone oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) u soo waday Soomaaliya ayaa laga helay cudurka halista ah ee Ebola, taasoo keentay in ciidanka oo dhan la geliyo karantiil.

Dalka Sierra Leone oo ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa ka mid ah dalalkii uu sida ba’an u aafeeyay cudurka Ebola, iyadoo calaamku uu dagaal weyn ugu jiro sidii lagu hakin lahaa cudurkaas. Iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo askar loo wado Soomaaliya laga helo cudurkan.

Ciidamada dowladda Sierra Leone ayaa ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta AMISOM ay horay u sheegeen inay joojiyeen isbedelka askarta dalalka uu cudurkan ka jiro, si looga taxadaro in cudurku uu soo gaaro Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Sierra Leone ayaa u sheegay Reuters in ciidamadan ay karantiilka ku jiri doonaa muddo 21 maalmood ah si looga taxadaro in cudurku uu ku faafo askarta kale ee dalkaas ku sugan.

Afhayeenka ciidamada Sierra Leone, Col. Michael Samoura ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in mid ka mid ah guuto askar ah oo loo waday Soomaaliya laga helay cudurka Ebola, intii lagu jiray baaritaanka caafimaad ee ciidamadan la marsiinayay.

“Askariga laga helay jeermiska Ebola amar la’aan ayuu ka baxay xeradii ay ciidamadu ku xareysnaayeen, markaas ayaana maleynaynaa inuu jeermisku kasoo qaaday goobihii uu tagay,” ayuu yiri Col. Samoura.

Hay’adda caaifmaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dad ka badan 4,000 oo qof ay cudurkan u dhinteen tan iyo markii uu dillaacay horraantii snnadkan, kuwaasoo intooda badan ku noolaa dalalka Liberia, Gini iyo Sierra Leone.

Dalalka Nigeria, Senegal, Spain iyo Mareykanka ayaa iyagana laga helay kiisaska cudurka Ebloa, balse weli dalalkaas kuma fidin cudurkan dilaaga ah, inkastoo uu dhowr qof ku dilay dalalkaas, kuwaasoo qaarkood ahaa dhakhaatiir ka shaqeeyay dalalaka uu cudurku ka jiro.

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Sierra Leone ayaa waxay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab oo haatan deegaanno badan laga saaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya