4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Dowladda Turkiga oo Qalab ugu deeqday Jaamacadaha Soomaaliya Qaarkood


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Olgen Bekar ayaa maanta 450 kambiyuutar ku wareejiyay dalladda SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado ku yaalla Somalia, kaddib xaflad lagu qabtay Muqdisho oo ay ka qayb-galeen wakiillo ka socday jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha SomaliREN, Daahir Xasan Cabdi (Carab) ayaa Turkiga uga mahad-celiyay qalabka ay ugu  deeqeen jaamacadaha dalka qaar ka mid ah, isagoo tilmaamay in qalabkan loo qaybin doono jaamacado ku kala yaalla Puntland, Somaliland iyo Koonfurta dalka.

Maamullada jaamacadaha ayaa sheegay inay qalabkan ay u adeegsanayaan si sare loogu qaado awoodda hay’adaha waxbarashada dalka, sidoo kalena dowladda Turkiga ayay ku ammaaneen doorka ay ka qaadanayso sidii lagu horumarin lahaa waxbarashada Somalia, iyadoo xusay inay marka qalabka ay ku deeqday laga reebo ay waxbarasho lacag la’aan ah siisay kumannaan arday iyo macallimiin Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Olgen Bekar isna ka sheegay munaasabadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka, dowladdiisuna ay ku taageereyso sidii dalka ay uga dhici lahayd nabad waarta. Wuxuu intaa ku daray in Turkigu uu sii wadayo taakuleynta uu siiyo bahda waxbarashada Soomaaliya si loo hormariyo awooddooda iyo xirfaddooda.

Turkiga ayaa horay jaamacadaha Somalia qaarkood u siisay kambiyuutarro iyo matoorro dabka dhaliya, iyagoo deeq waxbarasho siisay qaar ka mid ah macaliminiinta jaamacadaha Soomaaliya, kuwaasoo loo qaaday dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya