4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Saaxiibbada Soomaaliya oo soo dhaweeyay Heshiiskii lagu saxiixay Garoowe


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Yurub iyo Itoobiya oo ah gudoonka golaha wasiirrada IGAD ayaa maanta wadajir u soo dhaweeyay heshiiska ay maanta kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka, si ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda ugana wada-shaqeeyaan nabadda iyo howlaha muhiimka u ah dib u dhisidda dowladda Soomaaliya.

Heshiiskan oo ka koobnaa 12 qodob ayaa ka dhashay kulan ay muddo saddex casho ah ku lahaayeen xarunta Puntland ee Garoowe xubno ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa heshiiska maanta ay wada-gaareen dowladda Soomaaliya iyo Puntland. Heshiiskan waa tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday dhishidda nabadda, taasoo dan u ah dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah.

Sidoo kale, waxay ururradan bayaankooda ku sheegeen in Puntland 16-sano ka tirsanayd dowladda Soomaaliya, taasoo qayb weyn ka qaadan karta dib u dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan nabadda, hirgelinta federaalka iyo sidii loo horumarin lahaa dimuqraadiyadda.

“Waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyin muhiim ah bilaha soo socdo, tallaabooyinkaas oo ay ka mid yihiin dib-u-eegidda iyo hirgelinta dastuurka federaalka Somalia iyo sidii doorasho loo qaban lahaa sanadka 2016-ka,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka ay ururradan soo wada saareen maanta.

Xubnahan ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay taageero ku bixiyaan sidii heshiiskan loo hirgelin lahaa, iyagoo u maraya qorshaha Hiigsiga Cusub ee Somalia ay ku taamayso inay dalka ku gaarsiiso dowlad-wanaag.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen in saaxiibbada Somalia inay ka go’an tahay inay taageeraan hadafka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta nabadgalyada dalka iyo dhisidda Qaranka, iyagoo xurmeynaya dastuurka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya