4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Somalia oo u Ambabaxay Burundi


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) —  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed oo gelinkii dambe ee maanta Muqdisho kusoo laabtay, kaddib socdaal uu ku tagay Puntland ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo waxay isla galbata u dhoofeen dalka Burundi.

Mudane C/weli waxaa isaga iyo wafdigiisa sii sagootiyay xubno dowladda ka tirsan. Iyadoo inta uu ku sugan yahay dalka Burundi kulammo kala duwan la qaadan doona madaxda dalkaas, wuxuuna kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la-dagaalanka Al-shabaab, adkeynta xiriirka labada dal iyo ka shaqeynta amniga gobolka.

“Waxaan kasoo laabtay Puntland oo aan socdaal ay ujeeddadiisu ahayd sidii loo dhameyn lahaa khilaaf dowladda iyo maamulkaas soo dhexgalay, aanan ugu kuur-galaynay xaaladda dalka, loolana tashado dadka laguna kaalmeeyo dib-u-dhis iyo dhiirri-gelin federalaynta dalka, waxaana safarka kasoo baxay natiijooyin wax tar leh. Waxaana ku kala saxiixannay heshiis wanaagsan oo iskaashi, wada-tashi iyo is-kaalmeysi ku dhisan,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u tacsiyeeyay ehelladii dadkii waxyeelladu ay kasoo gaartay qaraxii loo geystay maqaayadda Aromo Caffe. Wuxuuna eedeynta qaraxaas dusha kaga tuuray Al-shabaab, inkastoo aysan Al-shabaab weli ka hadlin qaraxaas inay mas’uul ka tahay iyo in kale.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo xusay in howlgallada soconaya ay yihiin kuwo nabadda dalka lagu raadinayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya