4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Xafiiska Salaam Somali Bank oo Dadweynaha Beledweyne u Qabtay Siminnaar


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Siminaar hal maalin ah oo lagu baranayay nidaamka dhaqaalle ee Islaamka iyo habka adeega macaamiisha dhinaca kalana lagu soo bandhigayay wax qabadka xafiiska Salaam Somali Bank Beledweyne ayaa waxaa ka faa’ideystay 68-qof oo isugu jiray qeybaha bulshada.

Madaxa shaqada iyo shaqaallaha Salaam Somali Bank C/raxmaan Ibraahim Cilmi oo ka mid ahaa macalimiintii casharada ka bixineysay siminaarka ayaa faah faahin dheeraad ah ka ka bixiyay  habka ay u shaqeeyaan bankiyada islaamig ah, isaga oo sheegay in adeegyada ay bixinayaan Bankiyada noocaas ah yihiin kuwo mar walba ku saleysan  shareecda Islaam-ka.

Waxaa siddoo kale lagu soo bandhigay siminaarka wax qabadka xafiiska Salaam Somali Bank ee Beledweyne mudadii lixda biloow aheyd uu ka shaqeynayay gobolka, iyaga oo sheegay in uu shaqo abuur iyo maal-galin intaba u sameeyay dad kala duwan.

Bankiga ayaa la sheegay in mudadaas uu jiray ay codsi soo gaarsiiyeen 91-ruux laakiin ugu danbeyntii codsiyaadaas ay ku guuleysteen 58 ruux oo la sheegay in ay buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa, islamarkaana loo sameeyay shaqo abuur iyo maal-galin intaba.

Addeegyada uu bixiyay Bankiga mudadii lixda bilood ayaa waxaa ka mid ah maali-galin noocyada kala duwan ee gadiidka, matooro, qalabka dhismaha, cagaf-cagafyo kuwaa loo adeegsado beeraha oo ay ku meel-galiyeen dadkii codsiyada u soo dirsaday.

Sidoo kale, waxay sheegeen ay bixiyaan lacago cadaan ah oo la siinayo dadka loo arko in ay muteystaan, inkastoo dadka lacagaha la siiyay ka yar yihiin cadad ahaan marka la eego kuwa kale ee hellay maal-galinta agabka isugu jiray.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-gallay siminaarka oo ay ka mid ahaayeen dad ka faa’iideystay adeegyada uu bixiyo Bankiga, ayaa siweyn u soo dhaweeyay wax qabadka xafiiska Salaam Somali Bank mudadii uu lixda biloow aheyd uu ka  furnaa magaalada Beledweyne.

Ugu danbeyntii, mas’uuliyiinta ayaa madasha siminaarka ka sheegay in la ballaarinayo xarumaha Bankiga oo xafiis cusub laga hergaliyay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diiini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya