4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Dagaal culus oo mar kale ka Qarxay Deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan

Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — In ka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaa ka sii badanna waa ay ku dhaawacmeen, kaddib dagaal culus oo maanta ku dhaxmaray deegaanka Deefoow oo 35-km dhinaca W/qooyi kaga beegan Beledweyne labo maleeshiyo beelleed oo marar badan hore siddan oo kale ay dagaallo u dhaxmareen.

Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la soo gaarsiiyay dhaawaca 19 ruux oo  ka tirsan  garab ka mid ah dhinacyadii uu dagaallka dhaxmaray, halkaa tiro kale oo intaa ka badanna la sheegay in la dhigay isbitaalo gaar loo leeyahay oo ku yeella xaafada Howl-wadaag.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib weerar culus oo subaxnimadii hore ee saaka ay ku qaadeen deegaanka Deefoow xoogag  meelmihii ugu danbeeyayba isku rurusanayay meel aan ka fogeyn, taasoo sababtay in halkaa uu ka qarxo dagaal culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan.

Maleeshiyada weerarka qaaday ayaa la sheegay in ay gudaha u galleen deegaanka Deefoow oo ay ku sugnaayeen xoogag kale oo aad u hubeysnaa, waxaana ay dadka deegaanka sheegeen in la maqlayay dhawaqa hub culus oo ay is-weydaarsanayeen dhinacyada iska soo horjeeda.

Dhaqaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la tacaalaya wax ka qabashada xaalada dhawacyada la soo gaarsiiyay oo qaarkood qaba dhaawacyo culus.

Dagaalka deegaanka Deefoow oo ah dhul beereed ayaa marar badan waxaa ku soo noq noqday dagaallada u dhaxeeya labada beelloow oo isku mari la’a muran ku saleysan lahaashaha deegaannada lagu dagaallamayo oo qolaba ay gaar u sheeganeyso, waxaana hishiis colaada laga gaaro ku fashilmay dhinacyo kala duwan oo ay dowladda federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya