4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Shirkadda Tawakal oo Soomaaliya ka billowday dhismayaasha Bankiyo Cusub


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Shirkadda Xawaaladda Tawakal ayaa ka billowday deegaanno ka tirsan Soomaaliya dhismaha bangiyaal cusub oo ay shirkaddan yeelanayso, kuwaasoo u adeegi doona macaamiisha shirkadda ku xiran.

Dhismayaashan ayaa waxaa qayb ka noqon doona goobo ganacsi oo kala duwan, waxaana mashaariicda dhismayaasha ee hadda socda ka mid ah, Tawakal Plaza Muqdisho, Tawakal Plaza Garoowe, iyo Tawakal Galdogob; iyadoo shirkaddu ay damacsan tahay inay ka hirgeliso mashaariic la mid ah kuwan magaalooyin kale oo dalka ka tirsan.

Tawakal Plaza Mogadishu waa dhisme ka kooban todobo dabaq oo ka koobanaan doona: (1) Tawakal Global Bank. (2). Suuq baaxaddiisu tahay 338 mitir oo labo jibbaaran, kaasoo noqon doona mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn Muqdisho. (3). Hoteel, si hufanna loogu qalabeeyay dhammaan adeegyada ugu casirayeysan - Afartan iyo lix qol oo u kala baxa qolal hal qof ilaa qolal VIP. (4). Hoolka shirarka iyo xafladaha. (5). Makhaayad cunnada iyo mid shaaha laga cabo lehna qayb cunnooyinka fudud ah.

Sidoo kale, dhismaha Tawakal Plaza Garoowe ayaa ka kooban afar dabaq oo laga dhigayo: (1). Tawakal Global Bank - xarunta Garoowe. (2). Xafiisyo iyo qolol kala isticmaal duwan. (3).  Xarun suuq, kaasoo loo dhaafay hal dabaq oo idil.

Tawakal Plaza Galdogob oo iyaduna ka kooban afar dabaq ayaa waxaa loogu talo-galay inay noqoto: (1). Tawakal Global Bank - xarunta Galdogob. (2). Hoteel si hufanna loogu qalabeynayo, lehna adeegyo casri ah – kala noqon doona qolal hal qof ilaa qolal VIP. (3). Hoolka shirarka iyo xafladaha. (4). Maqyaad cunto iyo mid kafeega iyo shaaha lagu cabbo.

Shirkadda Xawaaladda Tawakal waxay xarumo iyo wakiillo ku leedahay in ka badan 50 dal oo adduunka ah. Tawakal waxay mar waliba maal-gashi ku samaysaa ‘Teknologiyadda’ ugu casrisan si ay macaamiisheeda caalmka daafaheeda ku nool u gaarsiiso adeegyo tayo sare leh oo ay ka maqsuudaan.

Maamulka Tawakal ayaa sheegay in lasoo gabagabeynayo sannadka 2015-ka, arrintaasoo keenaysa faa’iidooyin badan oo u soo hoyata bulshada. Iyagoo sheegay in faa’iidooyinka laga heli doono ay ka mid noqon doonaan; shaqo-abuur ay ka faa’iideysan doonaan dadka Soomaaliyeed, adeegyo kala duwan oo tayo leh, sida - Adeeg bangiga, xawaalad, hoteello, maqaayado, dukaamo iyo suuqyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya