4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Ciidammo howlgallo ka billaabay inta u dhexeysa Kismaayo iyo Buulo-gaduud

Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Ciidamada maamulka Jubba ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka bilaabay wadada dheer ee isku xirta magaalada Kismaayo iyo weliba deegaanka Buulogaduud halkaasoo kamid ah goobihii ay dhawaan la wareegeen ciidamada maamulka Jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

Mursal Geedi oo kamid ah saraakiisha hogaamineeysa howlgallada ka soconaya deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan wadada xiriirisa Kismaayo iyo Buulogaduud oo ay xoogagga Al-shabaab marar badan ka geeysteen weerarro dhabo-gal ah.

"Laga bilaabo Kismaayo ilaa Buulogaduud cutub cutub ayay u deganyihiin ciidamada, hadda gaadiidka si caadi ah ayay ku maraan wadadaasi ammaankeeduna aad ayuu u suganyahay," ayuu sarkaalkan hadalkiisii raaciyay.

Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan duleedka deegaanka Buulogaduud halkaasoo ay isku horfadhiyaan xoogagga Al-shabaab, iyadoo mararka qaar ay is weeydaarsadaan rasaas iyo weliba madaafiic.

Mursal Geedi ayaa sheegay in ciiidamadooda iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gobolka, isagoo sheegay in ay ku wajanyihiin degmooyinka Jilib iyo weliba degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe.

Ma ahan oo keliya gobolka J/hoose goobaha ay ka socdaan howlgallada looga soo horjeedo Al-shabaab haseyeeshee howlgallo kuwan lamid ah ayaa ka soconaya inta badan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo-Soomaaliya