4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Ra'iisul wasaaraha oo horumar ku tilmaamay heshiiskii lagu saxiixay Garoowe

Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa heshiiskii ay kala saxiixdeen dowladda Somalia iyo Puntland ku tilmaamay tallaabo horrumar leh oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

C/weli Sheekh ayaa ku ammaanay xubnaha guddiyadii ka socday dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ka mirro dhalinta iyo ka gudbidda qodobbadii ay ku kala aragti duwanaayeen, isagoo xusay in wadahadalkan saddexda maalmood qaatay uu muhiim u yahay iskaashiga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

“Xukuumadda Somalia waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta gaareen dowladda dhexe iyo Puntland, waxaan sii wadi doonnaa dhiirri-gelinta iyo taageerada heshiiska. Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qayb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan uu billow u yahay horumar waara oo laga gaaro mad-madowgii horay u soo dhexgalay labada dhinac,” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa door muuqda ka cayaartay heshiiskii ay maanta gaareen guddigii labada dhinac. Heshiiskan ayaa soo af-jaraya mad-madowgii ka dhex-jiray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Puntland ayaa horay u sheegtay inay xiriirkii wada-shaqeyneed ee dowladda joojisay, kaddib markii ay ka caroortay sameynta maamulka gobollada dhexe oo lagu wado in loo sameeyo dhawaan Mudug iyo Galguduud.

Inkastoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka hadlay heshiiska ay gaareen Puntland iyo dowladda dhexe, ayaanay haddana jirin wax hadal ah oo ay ka dhaheen heshiiska madaxda maamulka Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya