4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Xubno ka tirsan Somalia Switzerland oo la kulmay wasiir ka tirsan dowladdaas


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Wakiillada jaaliyadda Somalida Switzeraland ayaa kulan la yeeshay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Switzerland Yves Rossier oo dhawaan ku yimid socdaal gaaban Muqdisho iyo Hargeysa.

Xubnahan oo kala ahaa; Mustaf Bashiir Goobdoon iyo Xasan Cusmaan wakiilna ka ahaa kulanka ayaa ku ammaanay wasiirka booqashada uu ku Somalia ku tagay, iyagoo xusay inay tahay markii ugu horreysay oo wafdi heer wasiir uu kaga warbxiyay safarradii uu ku tagay Muqdisho Hargeysa isagoo tilmaamay inay muuqdaan in Somalia iyo Somaliland ay labada sameeynayaan horumar xaga isbedelka nabada iyo soo nooleynta kaabayaasha dowladda.

“Waxaan ku booriyay wasiirka inay sii wadaan dadaalkaas si ay Soomaaliya u noqoto mid dib ugu soo laabata beesha caalamka oo ay nabadi ka dhacdo. Waan ognahay in siyaasadda ay ku kala aragti duwan yihiin Soomaaliya iyo Somalinad, balse waxaa jiri kara arrimo badan oo ay isku bahaysan karaan labada dhinac,“ ayay wakiilladu u sheegeen warbaahinta.

Wasiirka ayaa isaguna yiri. “Taageerada Switzerland muhiim ayay u tahay xoojinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo SomaliLand, waxaana ka wadnaa howlo isugu jira dardar-gelinta federaalka iyo dimuqraadiyadda dowladnimada iyo saacidaadda gargaarka aadanimo ee aan siino oo sii laba-jibaarno, wuxuu sii raaciyay isagoo ku faraxsan safarkaas.”

Roosier ayaa intaas ku daray. “Waxaan aad ula dhacay cuntada Soomaaliya iyo caanaha geela oo safarkeygii berbera oo ii ahayd mid fikirkii aan horay uga qabay Somaliland wax badan ka bedelay, waxaan dhawaan ka qayb-geli doonaa shirka ka dhacaya Denmark oo dib loogu eegayo dhaqalaaha la siiyo Soomaliya iyo ballan-qaadyadii hore New Deal, waxaa ka hirgelay waxaana u diraynaa wafdi halkaa goobjoog inooga ahaada.“

Waxaa gabagabadii jaaliyadda Somali Diaspora Swiss-ka uu ku booriyay Mr. Yves Rossier inay howlaha horumarineed ee ka socda dalkooda kaalintooda ka qaataan; waxaana halkaa lagu gudoonsiiyay abaalmarin dhaqanka Soomaalida ka turjumaya; waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in horey loo sii wado xiriirka labada dal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya