4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo Heshiis ku kala Saxiixday Garoowe (DAAWO)


Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) —Dowlada Federaalka Somalia iyo Puntland oo afartii cashoee ugu dambeeyey magaalada Garoowe wadahadallo uga soconayeen ayaa maanta kala saxiixday heshiis 12 qodob ka kooban.

Heshiiskaas oo labada dhinac ay u kala saxiixeen Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka socdey Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo dalka Itoobiya.

Qodobada lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa dhamaystirka dastuurka iyo dhismaha maamul goboleedyada iyada oo loo marayo qaab sharci ah. Dowlada Federaalka ayaa garowsatay inuu jiro wax ka bedel lagu sameeyey dastuurka arintaasoo Puntland si weyn ugu riyaaqday.

Puntland ayaa soo dhoweysey dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada Galguduud iyo Mudug, waxaase heshiiska qayb ka ah in gobolka Mudug loo qaybiyey labo. Qaybta koonfureed oo ka tirsanaan doonta maamulka gobollada dhexe iyo qaybta waqooyi oo Puntland raacsan.

Qodobada muhiimka ah ee heshiiskani dhigayo waxaa ka mid ah: Dhismaha ciidamo qaran oo isu dheeli tiran iskuna dhafan. In si cadaalad ah loo qaybsado deeqaha lagu soo qaado magaca Soomaaliya. In si cadaalad ah loosoo magacaabo mas'uuliyiinta dowlada ee rayidka ah iyo kuwa aan rayidka ahayn labadaba. In si cadaalad ah loo qaybsado wixii kasoo noqda hantida Soomaaliya dibada uga maqan iyo in si deg deg ah laysugu soo celiyo hantida la kala haysto.

HALKAN KA DAAWO QODOBBADII LAGU HESHIIYAY:

Shahaadada dugsiga sare ee Puntland ayaa ka mid ah arimaha laysla meel dhigay, waxayna labada dhinac isla ogolaadeen in shahaadada lagu qoro magaca Dowalda Federaalka, astaanta qaranka iyo magaca Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Heshiiskan ayaa soo afjaraya khilaaf mudo dhowr bilood ah soo jiitameyey oo ka dhex jirey Dowlada Federaalka iyo Puntland, khilaafkaasoo cirka isku sii shareeray markii la bilaabay qorshaha lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe (Mudug iyo Galguduud).

Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland waxay dhowr mar oo hore kala saxiixdeen heshiisyo caynkan oo kale ah kuwaasoo badankooda aanay waxba ka hirgelin, lamana saadaalin karo in heshiiska maanta Garowe lagu kala saxiixday ka duwanaan doono kuwii ka horeeyey iyo in kale.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya