4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Dowladda Somalia & Maamulka Puntland oo la Sheegay inay Xal wada gaareen

Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Guddiyo kala matalayay dhinacyada dowladda Soomaaliya iyo maamulka puntland oo ku shirsanaa labadii maalin ee la soo dhaafay Garowe ayaa la sheegay in ay xal-ka gaareen khilaaf muddo ka dhaxeeyay labada dhinac.

Ilo- wareedyo ku sugan Garoawe ayaa xaqiijiyay in saacadaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono heshiis dhowr qodob ka kooban ,kaasi oo muhiimad gooni ah siinaya in Muqdisho iyo Garowe ay xal dhab ah wada gaaraan.

Raysul-wasaaraha Somaliya Cabdi wali Shekh Axmed ayaa jimacadii hore soo gaaray Puntland waxaana uu soo dhaweyn heer sare ah kala kulmay madaxda maamulka oo ugu horeeyo Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo ah madaxweynaha Puntland.

“Midnimada Somaliya waxa ay ku xiran-tahay in wada-xaajoodka hadda socda la isku fahmo “ayuu yiri raysul-wasaaraha oo ka hadlayay mid kamid ah munaasbadihii lagu soo dhaweynayay ee lagu qabtay caasimadda Garowe.

Waxaa dowladda Somaliya u matalaya wada-xaajoodkan xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda federaalka ah ,iyadoo si lamid ahna ay Puntland u mutalayaan xubno ka tirsan golayaasha maamulka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]