4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Maxkamadda ciidanka Puntland Xukunno kala duwan ku riday laba eedeysane

Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada Puntland ee Garoowe ayaa xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday laba eedeysane oo ay sheegtay in lagu helay inay ku lug lahaayeen falal argagaxisanimo.

Ismaaciil Cabduqaadir Jimcaale oo 20 jir ah oo maxkamaddu sheegtay in la qabtay isagoo faraha kula jira falal argagaxiso oo bam ku aasaya dhulka ay ku xukuntay dil toogasho ah, halka Ismaaciil C/qaadir oo 45 jir ah ay ku xukuntay maxkamaddu xabsi shan sano ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, C/fataax Xaaji Aadan oo xukunkan ku dhawaaqay ayaa sheegay in labada eedeysane lagu helay dambiyadii lagu soo oogay, iyadoo maxkamaddu ay sidoo kale sii daysay eedeysanayaan kale oo la horkeenay.

Saddex eedeysane oo ka mid ahaa lix eedeysane oo maxkamadda la horkeenay shalay ayaa lasii daayay, kaddib markii laguna waayay dambigii lagu soo ooogay, sidoo kale makamadu waxay dib u dhigtay dacwaddaiisa Saacid Aadan C/llaahi oo 32 jir ah.

Dib u dhigista eedeysanahan ayuu guddoomiyaha maxkamaddu ku sheegay inay ku qanci waayeen cadeymihii la hor keenay maxkamadda, ayna go’aan ku gaareen inay dacwaddiisa dib u dhigaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada Puntland ay dil iyo xabsi ku riddo eedeysanayaal ay sheegtay inay geysteen falal argagaxiso, kuwaasoo qaarkood lagu fuliyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya