4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
Wiil dhallinyaro ah oo xalay lagu gowracay Masjid ku yaalla degmada Kaaraan

Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Ruux midi wata ayaa xalay ku gowracay masjid ku yaalla xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan, wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii ku tukanayay masjidkaas salaaddii maqrib.

Goobjooge ku sugnaa masjidka ayaa laga soo xigtay in dhacdadan ay argagax weyn gelisay dhammaan muslimiintii tukanayay salaadda, iyadoo jameecadii masjidka ku tukanayay ay qaarkood masjidka isaga carareen, kuwo kalena ay qaylo billaabeen.

Ruuxa la gowracay oo ahaa wiil dhallinyaro ah ayaa magciisa lagu sheegay Axmed oo 20-sano jiray, isagoo ahaa mid si weyn looga yaqaannay xaafada lagu gowracay.

“Falkan wuxuu ka dhacay masaajid ku yaal degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafadda Arjantiin, wiilka la dilay iyo ruuxa dilka geystay muran ayaa markii hore dhexmaray; ciidamada ammaanka ayaana gacanta kusoo dhigay ruuxii dilka geystay oo ka yimid Yurub, wuxuuna ahaa nin maskaxda dhibaato ka qabay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka ammaanka Kaaraan, Maxamed Ibraahim.

Sheekh Axmed Tuur-yare oo ka mid ah maamulka masaajidka; C/raxmaan Bin-Cowf oo falkan uu ka dhacay ayaa sheegay inuu falkan naxdin weyn ku beeray dhammaan dadkii masjidka ku tukanayay, ninka la gowracay oo ay nafi ku jirto ayaa goobta laga qaaday, balse isbitaalka ayuu ku dhintay.

“Weligeen tanoo kale ma arag… dhacdo yaab leh ayay ahayd, wiilka la dilay wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed, safka hore ayuu ku jiray nin wax dilay oo Yurub ka yimid ayaa mididii kaga jaray dhuunta. Salaaddii ayaa laga baxay dadkii oo dhanna baqdin ayaa  gashay,’ ayuu yiri Sheekh Tuur-yare.

Ruuxa falka geystay ayaa da’diisa u dhaxeysa 40 illaa 50 sano, isagoo dalka ku sugnaa muddo hal sano ah, waxaana falkan uu noqoday mid ay si aad ah u hadal-hayaan maanta dadka ku nool degmada Karaan ee gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya