4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2014
La-taliyeyaha Madaxweynaha oo la sheegay in uu xiriir la leeyahay Shabaab

Talaado, Oktoobar 14, 2014 (HOL) — Kormeerayaasha cuno-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea u qaabilsan QM ayaa ku eedeeyay mid ka mid ah la taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab, uuna mas’uul ka ahaa hubka dowladda oo si qarsoodi ah loogu gacan-geliyay Al-shabaab.

Muuse Xaaji Maxamed (Ganjab) oo ah ganacsade weyn ayaa wax laga weydiiyay eedeynta ay guddigu soo u soo isagoo beeniyay inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab, isagoo warbixinta guddiga ku tilmaamay mid sumcaddiisa iyo tan dowladda wax loogu dhimayo.

“Eedeyntan waa mid aan jirin oo la been abuuray; aniguma ma lihi awood ah inaan hub ay dowladdu leedahay koox kale, qorshahanna waa mid lagu doonayo in lagu wiiqo wada-shaqeynta xubnaha dowladda. Ma jirto xiriir aan la leeyahay Al-shabaab, warbixintanna waa mid uu soo diyaariyay Jarat Copra oo been abuur ah,” ayuu ku yiri Muuse Ganjab E-mail uu u diray Reuters.

Warbixinta kormeerayaasha Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in hub iyo rasaas loogu talo-galay ciidamada dowladda Soomaaliya in si sharci-darro ah loogu iibiyo laba suuq oo ku yaalla Muqdisho.

Quburo dhinaca siyaasadda ah ayaa sheegay in haddii tani rumowdo ay dhici karto in dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud ay waayi doonto dhaqaale balaayiin doollar ah oo beesha caalamku ay horay ugu ballan-qaadday.

Warbixintaan oo ka koobnayd 482 bog ayay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters inay ka heshay guddiga, iyadoo warbixintan ay tahay mid ay soo saaraan sannad walba kormeerayaasha QM u qaabilsan cuno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Guddiga ayaa warbixin ay soo saareen bishii Oktoobar ee sannadkii 2010-ka ayay sidan oo kale Muuse Ganjab ugu eedeeyeen inuu yahay qandaraasle u iibiya hubka Xarakada Al-shabaab.

Farriin dhinaca E-mailka ah oo ay guddigu sheegeen inay soo direen Xuseen Cali Fiidoow iyo Cali Maxamed Xuseen (Jabel) oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, balse adeegsanayay E-mail kale ay ku sheegeen in Muuse Ganjab uu yahay ruux hubka u soo iibiya, balse wax jawaab ah xilligaas kama uusan bixin Muuse eedeyntaas.

Ma ahan markii ugu horreysya oo guddigan ay musuqaamus ku eedeeyaan xubnaha dowladda Soomaaliya, iyado la xusuusto in sannadkii hore ay soo saareen guddigu warbixin sheegaysa in hanti ay lahayd dowladda Somalia ay musuqmaasuqeen xubno ay ka mid ahaayeen; madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, wasiirradii hore ee arrimaha dibadda Fowziyo Yuusuf Aadan iyo shirkad sharciga ka shaqeysa oo Mareykan ah laguna magacaabo Shulman Rogers, inkastoo dhammaantood ay eedeyntaas beeniyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya