4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Odayaal ku Baaqay in la Furo Waddada isku-xirta Beledweyne iyo Buula-burte

Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) — Kaddib markii ay curteen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan roobabkii deyrtay ayaa durbaba waxaa soo baxaya cabasho ay muujinayaan ganac-satada iyo gadiidleyda  isticmaasha wadda isku xirta Beledweyne iyo Muqdisho.

Gadiidka xamuulka ayaa bilihii ugu danbeeyayba isticmaalin wadda laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho kaddib markii ay diideen isticmaalka wadda xoogagga Al-shabaab oo maamula deegaannada u dhaxeeya Buula-burte.

Hasse ahaatee gadiidka xamuulka ah  ayaa tan iyo markii ay Al-shabaab xayireen isticmaalka wadda laamiga ah waxaa ay adeegsan jireen jidadka baxsan laamiga ee deegaannada dhaca galbeedka gobolka,  kuwaa oo gabi ahaanba ay jireen roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka.

Hadaba odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xirnaashaha mudada dheer ee wadadda laamiga ah, iyaga oo sheegay in ay dowladda iska dhaga-marisay baaqyo is daba joog ah oo sidda ay hadalka u dhigeen loo jeediyay.

“Dowladda marar badan ayaa ugu baaqnay in arrintan wax laga ka qabto, laakiin waxaa muuqata in aysan u soo jeedin wax ka qabashada xayiraada saaran wadda laamiga ee xiriirisa Beledweyne iyo Muqdisho, sababta ma garaneyno, laakiin waxaa muuqata in dowladda wax dan ah, haddii ay roobabka sidda ku sii socdaan waxaa hubaal in aysan jirin doonin wax gadiid ah oo ka soo gali doona gobolka  dhinaca Muqdisho,’’ ayuu yiri nabaddoon Dacar Xirsi Nuur.

Inkastoo degmada Buula-burte ay gacanta ku hayaan ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM hadda wali xoogagga Al-shabaab waxaa ay gacanta ku hayaan deegaannada u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burte taasoo meesha ka saartay in gadiidku si toos ah u adeegsadaan wadada laamiga.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa marar badan oo hore ku celi celiyay in ay furi doonaan wadadaas, hasse ahaatee ilaa hadda ma jirto talaabo ay qaadeen marka laga soo tago gadiid xamuul ah oo sidday raashin gargaar ah oo labo bilood ka hor gaaray degmada Buula-burte kuwaa oo ay galbinayeen ciidammo dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya