4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Shir Wadatashi ah oo looga Hadlayo Garsoorka Dalka oo Muqdisho ka Furmay


Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) — Shir wadatashi ah loogana hadlayo xeerarka garsoorka dalka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo uu si rasmi ah shirkaas u furay wasiiraka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Kulankan oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa inta uu socdo lagu falan-qeyn doono Garsoorka, xeerka maxkamadda distuurka iyo hirgalinta qorshaha dib-u-habeynta hay’adaha caddaaladda ee heer Qaran, goboleed iyo heer degmo. Iyadoo furitanka shirka ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro, xildhibaanno, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo khubarao ku xeel dheer sharciyada dalka, mas’uuliyiinta maamullada gobollada dalka, bulshada rayidka, aqoonyahanno, macalimiinta wax-ka-dhiga jaamacadaha dalka iyo culumaa’uddiin Soomaaliyeed.

Mudane Faarax C/qaadir ayaa ku tilmaamay shirkan mid taariikhi ah, isagoo xusay in wixii kasoo baxa ay anfici doonaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Isagoo ujeeddada shirka ku sheegay in dalka helo nidaam caddaaladeed oo lagu kalsoonaan karo. Isagoo xusay inuu rajeynayo inay qodobbo fiican ay kasoo bixi karaan kulankan.

“Sharaf weyn ayay ii tahay maanta inaan shirkan wada-tashiga ah aan idin kusoo dhaweeyo; kaasoo daba-socda shir-weynihii sannadkii hore la qabtay kaasoo looga dooday dib-u-habaynta garsoorka dalka, laakiinse kan wuu ka duwan yahay kii hore, waxaana looga hadlay shirkii hore  waxyaabo badan oo aasaas u ah garsoorka iyo meeshii wax laga billaabi lahaa. Wuxuuna ku soo beegmayaa shirkan iyadoo laga gudubnay marxaladahaas oo dhan, isla markaana la isla gartay ahmiyadda ay leedahay dib-u-habaynta garsoorka iyo in la billaabo hawsha dib-u-habaynta garsoorka,“ ayuu yiri wasiirka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Nasiib-wanaag maanta waxaan haysanaa xeerkii lagu aas-aasayay oo dib loogu habeynayo golaha adeegga garsoorka, kaasoo laf-dhabar u ah dhismaha golaha oo aan rajaynayno in  maalmahan soo socda uu dhammaado si uu gundhig ugu noqdo hawsha dib-loogu habeynayo garsoorka.” 

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu dhihi karo inaysan ahayn mid fudud dib-u-habeynta caddaaladda iyo kalsoonida dadka in lasoo celiyo, balse ay ka mid tahay howlaha wasaaraddiisa u yaalla, isagoo xusay in sidoo kale ay tahay inay bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka qaybqaataan dib u habeynta garsoorka iyo dhisidda kalsoonida.

“Waxaan rajeynayaa laba arrimood in dood adag laga sameeyo, midda 1-aad oo ah xeerk nidaamka garsoorka. Xeerka garsoorka ee aan leenahay wuxuu soo billowday sannadkii 1963-kii, markaan xeerkaas dib u eegno waa kan ugu dhow xaaladda siyaasadeed ee aan ku noolahay maanta. 1974-kii ayaa dib-u habeyn lagu sameeyay… isagoo ahaa xeer garsoor oo siyaasadaysan oo ku dhisan habka ciidamada oo dowladdii milateriga ahayd ay sameystay,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in maanta xaaladeennu ka duwan tahay xaaladihii jiray 1962-kii iyo 1974-kii, nidaamka garsoorka ee aan doonayno hadda waa inuu ka jawaabaa baahida aan qabno 2014-ka iyo sannadihii ka dambeeyay.

Wasiirku wuxuu ku booriyay bulshada Soomaaliyeed inay ka qayb-qaataan hirgalinta nidaam caddaaladda iyo sareynta sharciyadda isagoo yiri. “Shirkan waa mid wada-tashi ah, waana in qof kasta sida uu wax u arko soo gudbiyo, la-tashigan kuma koobnaan doono kulankan ee waxa loo  bandhigi doonaa qaybaha bulshada, kadibna baarlamanaka ayaa loo gudbin doonaa, markaa kaddib ayuuna noqon doona sharci dhaqan-gala.”

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay xeerka labaad ee inta uu shirku socdo sida adag looga doodi doono kaasoo ah; hirgalinta maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, waana markii koowaad oo shacabka Soomaaliyeed garwaaqsadaan in la helo maxkamad dastuuri ah.

Ugu dambeyn, Faarax Sh. C/qaadir wuxuu qiray inay jiraan caqabado badan, isagoo xusay in waxa ay cadaaladdu u baahan tahay aysan ahayn kuwo tiro yar, balse loo baahan yahay in deegannadeena dalka oo dhan la geeyo xeer-ilaaliyeyaal iyo dadkii aqoonta iyo kartida u lahaa shaqadaas. Iyadoo uu ka dhawaajiyay wasiirku inay ku kalsoon yihiin in sanadka 2016-ka ay hirgelin doonaan garsoor cadaalad ah oo qof walba uu ka heli karo meel ku dhow.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya