4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Milkiilaha Maqaahida Oromo Coffee oo ka hadlay Qaraxii Xalay lala beegsaday iyo Maydad hor leh oo Maanta la helay


Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) — Maydad hor leh ayaa laga helay maqaahi laga cabo qaxwaha oo ku taalla Muqdisho, taasoo lala beegsaday habeenkii xalay qarax gaari lag soo buuxiyay, sida uu sheegay milkiilaha maqaayadda, Daa’uud Maxamed Maalin.

Wareysi uu milkiilaha Oromo Coffee siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in laba mayd la helay maanta, kuwaasoo ku dhex-dhintay qayb-dambe oo baarka ka mid ah iyo tima-jare ku dheggen baarka, isagoo intaas ku daray inay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaraxa macaamiishoodii qaarkood, annagana afar shaqaale ayaa nooga dhaawacmay qaraxa.

“Anigu markii uu qaraxu dhacayay anigu ma joogin, balse waxaan ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay oo goobta soo gaaray, waxaanan u imid dadkii maqaayadda ka qaxweynayay iyo shaqaalihii oo is-dul-saaran, kuwaasoo qaarkood ku dul-dhintay kuraastii ay ku fadhiyeen,” ayuu yiri Maalin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadkii dhaawacyada ahaa iyo kuwii dhintay ay ka mid ahaayeen dhakhaatiir iyo injineerro Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah, kuwaasoo uu sheegay in qaarkood ay ka yimaadeen gobolka Galguduud.

“Dhimashada aan goobta ka qaadnay toddoba qof ayay ahayd markii hore, balse dad dhaawacmay ayaa ku dhintay isbitaalka, sidoo kale maydad kale ayaan maanta helnay. Laakiin dhaawacyada ma sheegi karno, waxaase ku jira dad macaamiil noo ahaa iyo shaqaalihii maqaahida, ayna ka mid yihiin dadka dhintay wiilal yar-yar oo caseeye iyo baabuur-dhaqe isugu jiray,” ayuu hadalkiisa ku daray Daa’uud Maalin.

Su’aal ahad dadka macaamiishooda ah ee baarka ama maqaahida yimaada waxay ka kooban yihiin, ayuu ku jawaabay. “Macaamiisha noo yimaada waa kuwo isugu jira macallimiin iyo ardayda Muqdisho, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadka qurbaha ka yimaada oo qaxwe noosoo doonta, ganacsatada iyo dhalllinyarada magaalada Muqdisho.”

Waxaa sidoo kale la weydiiyay markii uu qaraxu dhacayay dadka baarka ku sugnaa, isagoo sheegay inay dad badan ku sugnaayeen, ayna jiraan dad ka booday darbiga dambe markii uu qaraxu dhacay, kuwaasoo dhaawacyo ay kasoo gaareen, iyadoo qaraxu uusan gaarin. Wuxuuna xusay in dadkii ugu badnaa ee dhintay ama dhaawacmay ay ku sugnaayeen bannaanka hore ee baarka. Isagoo sheegay in dadka yimaada baarka dad inta badan aan ahayn kuwo la bartilmaameedsanayo.

Daa’uud oo la weydiiyay inuu qaar ka garanayay dadkii qaraxa ku waxyeelloobay ayaa yiri. “Waxaa ku jira dad badan, waxaana isbitaalka ugu tagay xalay dad macaamiishooda ka mid ahaa oo gubtay uuna garan waayay. Waxaana ka mid ahaa sadex wiil oo ka yimid Caabud-waaq oo Injineerro ahaa, isla markaana deggenaa hoteel ay maqaayadu leedahay.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay su'aal ahayd wuxuu u maleynayo in loo beegsaday baarka ayuu sheegay inuusan garabayn sababta loo soo beegsaday, isla markaana aanu garanayn inay siyaasad ka dambeyso ama ay qolo kale ka dambeyso, balse baabuur lasoo miineeyay ayaa lagu soo weeraray, dad badan oo masaakiin ah ayaana ku dhintay.

Milkiiilaha ayaa sheegay in baarku uu furan yahay sannad iyo bar ayna caan ku yihiin sameynta qaxwaha, dad badanna ay meelo kala duwan oo gobolka Banaadir ah uga imaan jireen si ay qaxwe uga cabaan.

Hadalka milkiilaha Oromo Coffee ayaa imaanaya iyadoo madaxda dalka ay ku eedeeyeen qaraxa inuu ahaa mid ay soo abaabushay Al-shabaab laguna laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya