4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha P/land oo Qardho soo gaaray

Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) — Waxaa maanta soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas islamarkaana qayb ka yahay Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wafdigan oo si diiran degmada Qardho loogu soo dhoweeyey waxaa casumaad u fidiyey boqorka guud ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, gelinka dambe ee maanta ayaana lagu wadaa inay dib Garoowe ugu noqdaan.

Weli waxaa socda wadahadala labada dhinac u leeyihiin magaalo madaxda Puntalnd ee Garoowe, waxaana dhiman inay si wadajir ah u saxiixaan heshiis hordhac ah oo dhow qodob ka kooban oo Puntland iyo Federaalku ay wada gaareen.

Warar hoose ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaruhu kahor intuusan dib ugu laaban magaalada Muqdisho booqan doono magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari oo sidoo kale ah xarunta dhaqaalaha ganacsiga deegaanada Puntland.

Booqashadani waa tii ugu horreysey ee Cabdiweli Sheekh Axmed ku yimaado deegaanada Puntland tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud usoo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha dalka bishii December ee sanadkii hore 2013.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somaaliya