4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo Cambaareeyay Qaraxii Muqdisho


Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, gaar ahaan baar ay dad badan ku qaxweynayeen.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerar loo adeegsaday qarax gaari oo xalay ka dhacay baarka ku yaalla Muqdisho, isgaoo sheegay inay tacsi u dirayaan ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee naxdinta lahaa ee xalay, kaasoo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo dhaliyay khasaare baaxad weyn. Xeeladaha aan kala-sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah, waana dambi mudan in la cambaareeyo,” ayuu yiri danjire Kay oo hadalkiisa ku daray. “Shaqaalaha ka shaqeeya amniga iyo caafimaadka waxaan ku amaanayaa gurmadka deg-degga ah ee ay fidiyeen dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxaas. Dambiilayaasha waa si deg-deg ah cadaaladda loo hor-keeno.”

Kay oo sii hadlayay ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay mar walba ka go’an tahay inay shacabka iyo dowladda Somalia ka taageerayaan sidii ay u xoojin lahaayeen amniga dalkooda, ayna u xaqiijin lahaayeen rajadooda ku aadan mustaqbal Soomaaliya.

Dhanka kale, ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa isaguna si adag u cambaareeyay weerarkaas ismiidaaminta ahaa, isagoo sheegay inuu ahaa mid ay ka dambeysay Al-shabaab shacab Soomaaliyeedna lagu dilay.

“Waxaan aad uga walwalay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee xalay baar ku yaalla Muqdisho lala beegsaday, halkaasoo ay shacab badan joogeen, dadka ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay waxay ahaayeen shacab aan waxba ka galbasan kooxaha weerarka geystay. Falkan waa mid mideynaya shacabka Soomaaliyeed ee kasoo horjeeda shaqsiyaadka maskaxda laga qalday ee u taagan mar walba layna shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sadikou.

Danjiraha oo sii hadlayay ayaa mar kale yiri. “Waxaan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa ciidamada booliiska Soomaaliya oo markiiba goobta gaaray, sidoo kalena waxaan ammaanayaa cid walba oo gacan ka geystay in dadkii dhaawacyadu gaareen markiiba la geeyo isbitaalka si loo daweeyo.”

Ugu dambeyn, danjire Maman Sadikou wuxuu sheegay in kuwii weerarkan sida naxriis darrada ah loogu laayay shacabka Soomaaliyeed soo abaabulay waa kuwo kasoo horjeeda horumarka Somalia, hadafkooduna ay leeyihiinna uu yahay inay dadka laayaan oo keliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya