4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Danjire Max'ed Cabdi Afey iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Garoowe soo gaarey
/images/gallery/201492763547411650879134510561530_10204893596602450_5912045377160024484_n.jpg
Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) —Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afey.

Si diiran ayaa wafdigaas Garowe loogu soo dhoweeyey waxaana garoonka diyaaradaha ku qaabilay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jirey,  intaas kadib waxaa loosii gudbiyey halka loogu tala galay inay degaan.

Ujeedada socdaalka wafdiga uu horkacayo Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ah sidii ay uga qayb geli lahaayeen munaasabad lagu saxiixayo heshiis hordhac ah oo Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland wada gaareen.

Dhanka kale waxaa gelinka dambe ee maanta la filayaa inay iyaguna Garoowe soo gaaraan wafdi kale oo danjiraha Qaramada Midoobay ee Somaliya Nicholas kay hogaaminayo si ay goob joog uga noqdaan saxiixa qodobada lagu heshiiyey.

Khilaaf mudo soo jiitameyey ayaa ka dhex aloosnaa bilihii u dambeeyey Dowlada Federaalka iyo Puntland inakstoo arintu cirka isku sii shareertay markii uu bilowday qorshaha maamulka loogu sameynayo Galguduug iyo Mudug.

Puntland ayaa horay u sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal ay la furto dowladda dhexe ee Muqdisho fadhigeedu yahay, balse marna aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo jiritaankeeda iyo in qaybo dhulkeeda kamid ah la raaciyo maamul kale.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya.