4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Xuska Maalinta calanka Soomaaliya oo xalay Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO


Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 60-aad ee kasoo maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka hadleen munaasabadda madaxda dalka oo shacabka ku boorriyay in maalintan oo kale ay mudan tahay in la weyneeyo.

Calanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay la sameeyay 12-kii October, 1954-kii, iyadoo goobta lagu dhigayay munaasabadda lagu soo bandhigay sawirrada, Maxamed Cawaale Liibaan oo lahaa hindisaha calanka iyo dadkii u dhintay difaacidda calanka Soomaaliya.

Fannaaniinta deegaan, Shamsu-ddiin Band, hobollada Waaberi iyo kooxda bar-baarta gaashaaman ayaa kusoo bandhigay munaasabadda suugaan ka hadlaysay qiimaha uu leeyahay calanka ee buluugga ah dhexda ku leh xiddigta cad ee shanta geesood leh.

Cabdi Xaaji Goob-doon iyo Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo munaasabadda hadallo ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay taariikhda calanka iyo halgankii loo soo maray, iyagoo ku baaqay in shacabku ay ilaaliyaan midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa munaasabadda ka sheegay inay sharaf weyn u tahay maamulkiisa inuu soo qabanqaabiyo xuska maalinta calanka Soomaaliyeed, maadaama uu yahay mid ku weyn umadda Soomaaliyeed oo dhan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay munaasabadda ayaa dhankiisa sheegay inay ciidamada dowladdu ay ku jiraan howlgallo dalka looga saarayo Al-Shabaab, isagoo hambalyo ku aaddan maalinta calanka u diray dhammaan ciidamada Soomaaliya meel walba oo ay joogaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda wuxuu ku sheegay in calanka uu yahay mid ay Soomaalida oo dhan leedahay oo aanu  ahayn mid shaqsi gaar ah uu leeyahay ama sheegan karo.

“Calanka waxaa iska leh muwaadiniinta Soomaaliyeed, umana ogolin inuu qof wax ka sheego calankeenna, waxaa lagama maarmaan ah in billad la siiyo geesiyaashii naftooda u huray difaaca calanka. Waxaana rabaa inaan saddex qof hortiinna ka xuso, kuwaasoo kala ah Maxamed Cawaale Liibaan, Xuseen Aw-Faarax iyo C/llaahi Maxamed Maxamuud (Qarshe) oo taariikhda Soomaaliya baal dahab ah kaga jiraan,” ayuu yiri Jawaari.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jeediyay munaasabadda khudbad dheer ayaa hambalyo u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray in qof walba oo Soomaali ah astaanta lagu garanayo ee uu leeyahay uu yahay calanka Soomaaliya.

“Qof kasta oo Soomaali ah astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo marka uu caalamka meel ka mid ah joogo waa calanka Somalia, mala fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu kasoo jeeda, calanka waa waxaan naga harayn, waayo geesiyaasheenna marka ay dhintaan calanka ayaa lagu dedaa, marka aan weyneyno calankeenna,” ayuu yiri madaxweynuhu ku yiri khudbaddiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa intaas ku daray. “24-kii sano kaddib caawa waxaan isugu nimid xuska iyo qiimeynta calankeenna, dad badan oo Somali ah ayaa ka sheekeeyay dadkii u dhintay difaacidda iyo sameynta calanka aan maanta leennahay, sharaf ayayna geesiyaashaad ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed agtooda.”

Xasan ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan taageerada ay u hayaan dowladda Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii loo sixi lahaa wixii khalad ah ee dowladda ka dhacay.

“Markii aan dhawaan tagay degmada Baraawe waxaan ku arkay isbitaal ay hay’ad qalabeysa, laakiin Shabaabku qalabkii oo dhan way rarteen, dadka degmada ku noolna diif ay Shabaabku gaarsiiyeen ayaa ka muuqata, marka argagixiso way dhaafeen ayaan dhihi karaan oo hadda waa nolol diid,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyay hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka inay dib u qalabeeyaan isbitaalkaas, shaqaalana u u diraan si dadka shacabka ah loogu daweeyo, isagoo xusay in shacabku ay isku soo gurmadaan oo ay ka qayb-qaataan mashruuca loogu magac-daray dhiso dalkaaga.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay isku gurmadaan, sidoo kalena ay garab-istagaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Al-shabaabka laga saaray. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed astaantooda waa calanka ee aan wada hiigsanno oo aan isugu imaanno calanka balluugga ah,” ayuu khudbadiisa kusoo afjaray madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale xusay inuu aad uga xun yahay qaraxii ka dhacay xalay jidka Maka Al-Mukarama isagoo sheegay in dad ka badan 13-qof oo shacab ah ay ku dhinteen ku dhawaad 20-meeyo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, isagoo weerarka ku eedeeyay Al-shabaab, balse kooxdu weli kama aysan sheegan mas’uuliyadda weerarkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya