4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2014
Guddoomiyaha SIMHA oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Netherlands


Isniin, Oktoobar 13, 2014 (HOL) — Xaflad lagu soo dhaweynayey Gudoomiyaha SIMHA  ahna Agaasimaha Guud ee Dalsan Radio, Md. Xasan Cali Geesey ayaa xalay lagu qabtay magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Kulankaasi oo ay ka soo qeyb galeen ku-dhawaad 40 Weriye iyo xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland ayaa waxay ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay.

Guddoomiyaha SIMHA, Md. Xasan Cali Geeseey oo isagu socdaal hawleed ku jooga dalka Holland, waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Xaalladda guud ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo qaabka adag ee ay u hawlgalaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Suxufiyiinta kaalin ballaaran kaga jiraan sidii Bulshadda loo gaarsiin lahaa Xaqaa’iqda dhabta ee ka jirta gudaha Somalia.

Waxa uu qiray inay Suxufiyiinta caqabaddo kala kulmaan gudashadda waajibaadkooda, isla markaana ay mararka qaarkood la kulmi karaan falal lagu cabsi-gelinayo.

Weriyayaashii ka qeyb galay Kulankii lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Md. Xasan Geeseey waxay wax ka weydiiyeen arrimo badan oo ku xiriirsan Xaalladda dhabta ee ay ku hawlgalaan Suxufiyiinta ku nool gudaha dalka Somalia iyo qaabka loo horumarin karo Saxaafadda Somalia.

Kulankaasi waxaa kaloo ka hadashay Marwo Shamso Cabdulle Butugey oo ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka ee ku dhaqan dalka Netherlands (Holland), waxayna Suxufiyiinta Soomaaliyeed uga mahadcelisay doorka ay ka qaataan Wacyi-gelinta iyo inay gudbiyaan warar xaqiiqo ah.

Suxufiyiin fara badan oo ka qaxday dagaalladdii ka dhacay dalka Somalia ayaa haatan ku nool Qaaradda Europe, kuwaasi oo badankooda weli faraha kula jira Mihnadda Saxaafadda, gaar ahaan iyagoo wax ku qora Shabakadaha Wararka ee u gaarka ah Soomaalida.

Salaad Iidoow Xasan (Xiis)
[email protected]