4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Muqdisho oo ay caawa kawada socdaan xaflad lagu xusayo calanka iyo dagaal

Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Xaflad lagu xusayo sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed oo ku beeganayd maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Oktooobar, 2014-ka iyo dagaallo ayaa caawa si kala gooni ah uga socda degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda lagu xusayo calanka ayaa ka socota xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo Huriwaa ku yaalla, iyadoo sidoo kalena ay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ay ka socdaan xaafadda Suuqa Xoolaha ee isla degmadan.

Sidoo kale, madaafiic ayaa lagu garaacay qaybo ka mid ah degmada, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, iyadoo xafladda munaasabadda lagu xusayo Calanka ay ka qaybgalayaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidammo aad u fara badan ayaa sugaya amniga goobta ay xafladdu caawa ka dhacayso, iyadoo sidoo kalena la xiray dhammaan goobihii ganacsiga, waxaana munaasabadda heeso kala duwan ka qaadaya fannaaniin ka tirsan kuwa Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saqda dhexe ee caawa uu ka jeediyo munaasabadda xuska calanka khudbad uu ku cabirayo isbedelka ka jira dalka iyo sidoo kale taariikhda calanka Soomaaliya oo la hindisay 1954-kii.

Dhanka kale, iska-horimaadyo u dhexeeya ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa iyaguna ka socda degmada Huriwaa, kuwaasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdu ay aad uga duwan tahay caawa habeennadii lasoo dhaafay, ayna meelo kala duwan oo Suuqa Xoolaha ah ka dhacayso rasaas, mararka qaar la maqlayo qaraxyo hoobiye.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaallada caawa ka socda degmada Huriwaa, iyadoo sidoo kale uu Muqdisho isla caawa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo dilay 15-qof oo shacab ah, dhaawacayna tiro ka badan 20-qof oo kale, kuwaasoo qaarkood dhaawacyadii soo gaaray u dhintay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya