4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
FAAHFAAHIN: Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khasaarihii Nafeed ee uu geystay ( SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay baar ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan baar ay dad badan ka qaxweynayeen, iyadoo 15-qof ay marayso tirada dadka ku dhintay qaraxan, iyadoo 20-qof oo kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Qaraxan Ismiidaaminta ah oo aanay cidna sheegan mas’uuliyaddiisa ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsanayay saraakiil ka tirsan dowladda oo isla goobtaas ku sugnaa, balse ma jiro mas’uul ay khasaare kasoo gaartay.

“Gaariga qarxay wuxuu ka mid ahaa gaadiid yaallay baarka afaafkiisa, mar qura ayuuna qarxay, anigu waxaan arkay dhimashada 10-qof oo shacabkii shaaha ka cabayay baarkaas iyo kuwii meesha marayay isugu jira, runtiina arrin naxdin leh ayay ahayd,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa baarka uu ka dhacay caawa qaraxa Ismiidaaminta ah.

Dr. C/qaadir C/raxmaan Aadan oo ah madaxa gaadiidka gurmadka degdega ah ee Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qaadeen 15-qof oo dhaawacyo qaba iyo 10-qof oo maydad ah, kuwaasoo ay ku jireen dumar.

“Waxaa nasoo wacay qof shacab ah oo noo sheegay in qarax khasaare aad u badan geystay uu ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama, waxaana goobtaas ka qaadnay 10-qof oo mayd ah iyo 15-qof oo dhaawacyo qaba, kuwaasoo isugu jiray kuwo culus iyo kuwo fudud,” ayuu yiri Dr. C/qaadir.

Sidoo kale, madaxa Muqdisho Ambulance ayaa intaas ku daray in maydadka ay ka qaadeen goobta ay ku jirtay haweeney, sidoo kalena dhaawacyada ay iyana ku jireen laba ruux oo dumar ah.

“Maydadkii waxaan geynay xarunta CID-da si sawiro looga qaado, dhaawacyadiina waxaan geynay isbitaalka Madiina, waxaase jiray dad kale oo dhaawacyo ah oo ay qaadeen gaadiid gaar loo leeyahay,” ayuu yiri Dr. C/qaadir C/raxmaan oo warbaahinta la hadlayay caawa.

Dhanka kale, dhakhaatiirta Isbitaalka Madiina ayaa iyaguna sheegay in dhaawacyada lasoo gaarsiiyay ay qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah, halka kuwo kalena ay gubteen, iyadoo xusay inay siddeed ka mid ah dhaawacyadii lasoo gaarsiiyay ay geeriyoodeen intii aan lagu sameyn qalliinnadii ay u baahnaayeen.

Hay’adaha dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin qaraxa caawa Muqdisho ka dhacay, waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa xilli ay madaxda sare ee dalka ay ka qaybgalayaan xaflad lagu maamuusayo sannadguuradii 60-aad ee kasoo wareegtay calanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya