4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Xaaladda Wariye C/risaaq Black oo soo hagaagaysa iyo qalliin lagu sameeyay


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Xaaladda caafimaad ee wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black) oo ka tirsnaa Somali Channel Tv oo kooxo hubeysani ay ku dhaawaceen maanta albaabka gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Suuqa Bakaaraha ayaa soo hagaagaysaa, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Isbitaalka Madiina.

Wariye Black ayaa qaliin saacado qaatay looga sameeya caloosha, taasoo dhakhaatiirtu ay sheegeen inay ku guuleysteen, iyagoo sidoo klena rajo wanaagsan ka muujiyay xaaladdiisa caafimaad.

Muuse Jiisow oo ka mid ah filim-qaadayaasha Somali Chanel ayaa sheegay in wariyaha ay xaaladiisu soo hagaagayso, laguna sameeyay qaliin saacado qaatay, isagoo yiri. “Black xaaladiisa waa soo hagaageysa, Alle Mahaddiis; qalliin lagu guuleysatay ayaa lagu sameeyay qolkii qalliinkana waa laga soo saaray.”

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhaawaca wariyaha iyo qof kale oo macallin jaamacaeed ahaa oo ay isla joogeen, iyadoo dabley watay gaari yar ay rasaas ku fureen, lamana oga sababta keentay in wariyahaan la toogto.

Dhinaca kale, taliyaha ciidamada nabad-sugidda Qaranka, C/raxmaan Tuur-yare oo wariyaha la dhaawacay ku booqday isbitaalka Madiina ayaa ballan-qaaday inay soo qaban doonaan kooxihii dhaawiciisa ka dambeeyay.

Weerarka lagu hayo suxufiyiinta ka howgala Soomaaliya oo aad hoos ugu sii dhacayay labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa haddana, weli waxaa jira kooxo beegsada wariyeyaasha, iyadoo bartamihii sannadkan la dilay wariye Yuusuf Keynaan oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho.

Somalia ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan calaamka ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta, iyadoo inta badan kooxaha dila ama dhaawaca wariyayaasha ay baxsadaan, iyadoo madaxda dalka ay inta badan cambaareeyay weerarrada suxufiyiinta, balse aysan waxba ka qaban.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya