4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Urur Fadhigiisu yahay Dalka Canada oo 900-Qoys Hilib ugu qaybisay Afgooye


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Urur lagu magacaabo Somali Relief Network of North America aya 900 oo qoys oo danyar ah u qaybisay hilib, kaasoo lagu maamuusayay maalmihii Ciidul-Adxa, iyadoo dadka hilbaha loo qaybiyay ay ku noolaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ururka oo saldhiggiisu yahay dalka Kanada "CANADA” ayaa horay gargarro kala duwan uga qaybiyay degmada Afgooye, iyadoo howsha samafalka uu waday ururkan illaa sannadkii 2011/

Madaxa ururka Somali Relief Network of North America, Aadam Maxamad Ciise ayaa u sheegay warbaahinta inay sii kordhin doonaan taageerada bani-aadaminimo ee ay siiyaan dadka tabaalaysan ee ku nool gobollada dalka.

Ugu dambayn, dadkii deeqdan ka faa’iideystay ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhiibay iyo kuwii soo gaarsiiyay, iyagoo sheegay in deeqdan ay ahayd mid lagu soo beegay xilli ay baahi weyn u qabeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya