4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Xukuumadda Shiinaha oo dib Safaaradeedii uga Furatay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Dowladda Shiinaha ayaa dib uga furatay Muqdisho safaaradeedii, iyadoo safaaradda uu maanta xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda dib u furidda safaaraddii Shiinaha ee Somalia ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ay ka mid ahaayeen; wasiirka arrimaha dibadda Somalia, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Shiinaha, dublamaasiyiin, saraakiil iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Somali, Wei Hongtian oo Somalia looga yaqaanno Warsame ahna ruux ku hadla afka Soomaaliga ayaa sheegay in howshiisu ay noqon doonto xoojinta xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

“Waxaan farxad weyn ii ah in maanta la ii soo magacaabay danjiraha Shiinaha ee Somalia. Muqdisho waa magaaladii aan ku qalin-jabiyay gaar ahaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhawaan mar kale dib looga hirgeliyay dalka. Midda kale waxaan hortiinna ku ballan-qaadayaa inaan ka shaqeyn doono xiriirka siyaasadeed ee Shiinaha iyo Soomaaliya ka dhexeeya,” ayuu yiri danjire Hongtian.

Intaa kaddib waxaa hadlay wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha sida ay mar walba isku garab-taagto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, isagoo xusay in wasaaradaha arrimaha dibadda ee Somalia iyo Shiinaha ay kawada shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale, waxaa isaguna hadlay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Shiinaha, Chang-Ming-Seung ayaa sheegay in Somalia iyo Shiinaha ay yihiin laba dal oo xiriir qoto-dheer wadaaga, isla markaana dib u furista safaaradda Shiinaha ee Somalia ay sii xoojin doonto xiriirka wada-shaqeyneed ee labada dal ka dhaxeeya.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa isagauna munaasabadda ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal-weyn u hayaan Shiinaha, isla markaana Shiinaha ay Soomaaliya ka taageertay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin bani’aadamnimada iyo mashaariicda horumarineed.

“Furitaanka safaaradda Shiinaha waxay xoojinaysaa xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha u dhexeeya. Muddo ka badan 20-sano safaaraddii Shiinuhu uu ku lahaa Soomaaliya ma shaqeyn marka in maanta dib loo furo waa talaabo farxad leh. Dowladda Shiinaha waxay ka mid tahay dowladaha taageerada u fidiyasha shacabka iyo dowladda Somalia,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya