4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo goor-dhow ka dhacay dhismaha ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay illinka hore dhismaha oo ay ku yaallaan baar laga qaxweeyo oo lagu magacaabo Oromo Cafe, halkaasoo ay dad badan ku qax-weynayeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dad badan oo baarka fadhiyay iyo kuwo kale oo goobta marayay ay waxyeello xooggan kasoo gaartay, iyadoo aan weli la ogeyn dadka ku dhintay tiradooda, iyadoo wararka hodhaca ah ay sheegeen inay ku dhinteen 10-qof.

“Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lasoo dhigay illinka hore ee dhismaha Cismaan Axmed Rooble oo ku dhaggan hoteelka Weheliye, waxaana ku dhintay dad badan, aniga waan ka badbaaday, qaraxuna wuxuu ahaa mid aad u xoog badan,” ayuu yiri goob-jooge halkaa ku sugnaa oo la hadlay warbaahinta.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd goob ay dad badan ku sugan yihiin, iyadoo sidoo kale ay qaraxyo kale dhaceen, iyadoo goobta oo dhan ay xireen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda Somalia ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab degmada Baraawe oo ahayd xarun weyn oo ay ku leeyihiin Koonfurta Somalia, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxan, iyadoo sidoo kalena aysan weli hay’adaha amniga dowladdu ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha uu geystay, mana ahan markii ugu horreysay oo uu qarax noocan oo kale ah uu ka dhaco Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya