4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Saraakiil u Hanjabay Maamulka Lixda Gobol iyo Suxufiyiin ka Hadlay Baydhabo

Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Taliyaha qaybta 60-aad ciidanka xoogga ee gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobalka Bay, Jen. Ibraahim Yaroow Isaaq iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Bay, Col Mahad C/raxmaan Jaamac ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta maamul lixda gobol ka kooban ee Koonfur-galbeed Somalia, kaddib mas’uuliyiinta maamulkan ay dhawaan Baydhabo kaga dhawaaqeen xubno ay maamulka gobolka iyo kan degmada Bay oo iyaga matalaya.

Jen. Ibraahim Yarow ayaa sheegay inay xiri doonaan wuxuu ugu yeeray mas’uuliyiinta hor-boodaya maamul lixda gobol iyo weliba kuwa ay u magacabeen inay mas’uuliyiin uga yihiin gobolka Bay iyo degmooyinka gobolka.

“Tallaaabo millateri ayaan ka qaadi doonnaa saacadaha soo socda xubnaha sheegta inay yihiin maamulka lixda gobol, sidoo kalena albaabbada ayaanu u xiri doonnaa Idaacad Warsan iyo xafiisyada maamulka ka kooban lixda gobol ku leeyahay Baydhabo,” ayuu si ay hanjabaadi ku jirto u yiri Jen. Yaroow.

Sidoo kale, taliyaha qaybta booliiska gobalka Bay, Col. Mahad C/raxmaan oo isna sheegay in odayyasha-dhaqanka laga doonayo inay ku ekaadaan howlahooda, ayna joojiyaan inay dhexgalaan howlaha aanay shaqada ku lahaynm isagoo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan wax walba oo carqalad abuuri kara.

Dhinaca kale, shir jaraa’id oo ay maanta Baydhabo ku qabteen suxufiyiinta gobollada Koonfur-galbeed ee Somalia ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha golaha dhexe ee ururka suxufiyiinta Koonfurta-galbeed, C/qaadir Axmed Mayoow (Minoot), isla markaasna ah wakiil wareedka telefishinka Somali Channel iyo Star FM ayaa cambaareeyey hadalka Jen. Yaroow uu ku sheegay inuu xirayo Warsan Radio oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Baydhabo.

Cabdiqaadir Minoot ayaa intaas ku daray in hadalkaas uu yahay mid ay aad uga xumaadeen kana baxsan sharciyada saxaafadda ee caalamka u yaalla, isagoo yiri. “Waa in la dhowraa xaquuqda saxaafada oo aan lagu xadgudbin. Idaacadda Warsan waa idaacada u taagan inay u shaqeyso si dhex-dhexaad ah, loomana qabsan karo dhacdooyin dhabta ee ka jira Baydhabo, waayo labada dhinac ee maamulka isku haysta ayay wararkooda wada tabisaa.”

Ugu dambeyn, C/qaadir Miinot ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in maamulka gobalka ay ka joojiyaan saxaafadda caburinta ay mar walba kula kacaan, isla markaana ay dhowraan sharciyada u yaalla saxaafadda.

Hiiraan Online, Baydhabo