4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Xasan Sheekh oo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Somalia & China


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblumaasi ee Somaliya kala dhaxeeya Shiinaha, isagoo xusay in uu jiro xiriir taariikhi ah oo labada wadan muddo dheer u soo dhaxeeyay.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay wakaaladda wararka  ee Shiinaha Xinhua  ayuu ku sheegay in labada dhinac xiriirkooda uusan marna istaagin ,isaga oo tilmaamay in dagaalladii dalka ka dhacay ay Shiinaha ka hor istaagtay in ay ka shaqeeyaan gudaha dalka.

“Shiirnaha iyo Somaliya xiriirkooda waa taariikhi ,waqtigan la joogo ee casriga ah labada wadan waa saaxiibo “ayuu madaxweynaha  sheegay xilli uu ku soo laabtay safar uu ku tagay goobo laga xoreeyay ururka Al-shabaab.

“Ma dhahayo amniga waa sidii loogu tala-galay ,balse labadii sano ee la soo dhaafay waxaa la hormariyay amniga waliba in badan “ayuu mar kale xusay madaxweynaha oo soo hadal-qaaday howl-gallada ka socda koonfurta dalka.

“Soomaaliya hadda waa meel la maal-gashan karno ,waxaa jira fursado badan wadankan aad ayuu qani u yahay marka la eego dhinaca kheyraadka gaar ahaan wax soo saarka beeraha iyo xoolaha “ayuu mar kale yiri.

Ugu danbayntii tan iyo markii ay dhacday dowladdi dhexe ee Soomaaliya, waxaa xirmay safaarado badan oo dowladaha caalamka ay ku lahaayeeen magaalada Muqdisho sababo la xiriira kala danbayntii dalka oo meesha ka baxday.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]