Magaalada Kismaayo oo laga xusay maalinta calanka Soomaaliyeed [Sawirro]
Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) :- Munaasibad si heersare loo soo agaasimay islamarkaana lagu qabtay xarunta degmada Kismaayo ayaa lagu xusay sanadguuradii 60-aad ee kasoo wareegtay maalintii la sameeyay astaanta calanka Soomaaliyeed.
Munaasibaddanayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, masuuliyiinta heer gobol ilaa heer degmo, ururrada dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic), kaasoo sheegay in ay sharaf weyn u tahay maanta magaalada Kismaayo ay ugu dabaaldegaan sanadguuradii 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya yeelatay calanka buluugga ah ee xidigta shanta geesood ah dhexda ku leh.
Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo isna goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay muhiimadda uu leeyahay calanka Soomaaliya, isagoo sheegay in calankani uu yahay mid qiimo aad u weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda islamarkaana dad badan ay usoo halgameen.
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo isna kamid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in calanka buluugga ah uu yahay astaanta lagu aqoonsado Soomaaliya, isagoo sheegay in sharafta umadda Soomaaliyeed ay ku jirto inay ilaashato calankeeda.
Ugu danbeyntii waxaa madasha khudbad aad u dheer ka jeediyay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciiil Fartaag, kaasoo u mahadceliyay dhamaan dadkii kasoo qeybgalay munaasibadda, wuxuuna ku dheeraaday ka sheekeynta taariikhihii kala duwanaa ee halgamayaashii Soomaaliyeed ay usoo mareen in mar un Soomaaliya yeelato calan.
Madaxweeynaha ayaa u duceeyay halgamayaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay dhalinta soo kaceeyso in ay ku baraarugsanaato taariikhda ay leedahay umadda Soomaaliyeed ee dhibta laga soo maray calanka ay maanta leedahay Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Muqdisho oo ay caawa kawada socdaan xaflad lagu xusayo calanka iyo dagaal
- FAAHFAAHIN: Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khasaarihii Nafeed ee uu geystay ( SAWIRRO)
- Xaaladda Wariye C/risaaq Black oo soo hagaagaysa iyo qalliin lagu sameeyay
- Urur Fadhigiisu yahay Dalka Canada oo 900-Qoys Hilib ugu qaybisay Afgooye
- Xukuumadda Shiinaha oo dib Safaaradeedii uga Furatay Muqdisho (SAWIRRO)
- Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho
- Saraakiil u Hanjabay Maamulka Lixda Gobol iyo Suxufiyiin ka Hadlay Baydhabo
- Xasan Sheekh oo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Somalia & China
- Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dhaawacay Wariye iyo Macallin Jaamacaeed
- Wafdi ka socday Dalka Biritin oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland
- Safaarada Somalia ee Imaaraadka oo laga xusay Maalinta calanka Soomaaliya
- Dab Khasaare geystay oo ka kacay Degmada Jowhar ee G. Shabeellada Dhexe
- MADAXWEYNE XASAN: Waxaa la joogaa xilligii aan horumarin lahayn dalkeena
- Mareykanka oo Shacabkiisa uga digay inay booqdaan Dalal ay ku jirto Somalia
- Shir looga hadlayay ka Hor-tagga Kufsiga oo lagu soo Gabagabeeyay K/Afrika