4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Safaarada Somalia ee Imaaraadka oo laga xusay Maalinta calanka Soomaaliya


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Waxaa maanta oo ay ku beegan tahay sannad-guuradii 60-aad ee maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa waxaa si weyn looga xusay safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay dalka Imaaraadka Carabta.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Imaaraadka Carabta aya lagu sheegay inay safaaradda sharaf weyn u tahay inay xusto 60-guuradii kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay yeelato calanka buluuga ah ee leh shanta xiddigood. Xilligaas oo ku beegnayd 12-kii Oktoobar 1954-tii markii uu Xaaji Maxamed Cawaale Liibaan uu soo hindisay calanka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey safiirka iyo dublamaasiyiinta safaaradda sida ay u xuseen malinta calanka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in calankeennu uu yahay astaan muhiim u ah Qaranimada dalka loona baahanyahay in la xuso.

Xildhibaan Yacquub oo isna ka hadalnay munaasabadda ayaa safiirka uga mahadceliyay qabashada xafladda lagu xusayay calanka Soomaaliya, isla markaasna sheegay in maalinta calanka ay muhiim u tahay Soomaalida oo dhan.

Danjiraha Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, C/qaadir Shiikheey oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa yiri. "Calankeenna sharafta leh waxuu naga mudan yahay inaan xurmeyno, weyneyno, isla markaasna aan carruurteena uga sheekeyno taariikhdii uu dalku soo maray oo astaanta calankeenna ay ugu weyn tahay. Waxaana Sharaf noo ah in wasiirka warfaafinta uu nala joogo Abu-Dhabi.”

Maalintii ay xorriyadda qaadatay Somalia, 26-kii Juun 1960-kii ayay ahayd markii ugu horreysay oo si rasmi ah calankeenna loo maamuuso. Iyadoo la xusuusto in gabayo badan ay ka tiriyeen abwaanno Soomaaliyeed.

Abwaannadii Soomaaliyeed ee calanka ka gabyay waxaa ka mid ahaa; Cabdullaahi Suldan Timacadde oo yiri; ‘Sarreeyoo ma nusqaamoow aan siduu yahay eegee… kaana Siib kanna Saar…. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa; abwaan Cali Diiriye (Cali Gaab) oo 01-da Luulyo 1960-kii isna yiri. ‘Calanyahow ha dhicin, ha dheeliyin, weligaa dhisnow.’

Calanka Soomaaliya waxuu lahaan jirey sharaft weyn oo qofka Soomaaliga ah sannadihii toddobaatameeyadii iyo sideetameeyadiiba meel kasta oo uu tago loogu soo dhaweyn jiray si cisi iyo sharaf leh. Maantana waa in lasoo celiyo sharaftaas iyo karaamadaas. Tan kaliya oo aan kusoo ceshan karnana ay tahay inaan midowno, isku duubnaano, is caawino, isla markaasna loo wada-istaagno waaajibka dalku nagu leeyahay. Soomaaliya waa dal qani ah oo goob muhiim ah ku yaalla; haddii aan nabad helno, oo danaheenna aan u istaagno waxaa la hubaa inuu noqon karo dal caalamku u soo dalxiis tago, ayay mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay sheegeen.

"Fadlan nala ciida oo farxadan aan wada gaarsiino Soomaalida meel walba oo ay joogaan. Wadajirkeenna iyo ilaalinta midnimadeenna ayaan ku gaari karnaa horumar iyo barwaaqo," ayuu danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka carabta kusoo gunaanaday munaasabadda xuska calanka Soomaaliya.

Calanka Soomaaliya ayaa hadda wuxuu yahay kan keliya ee Somalia looga garto dalalka kale ee caalamka, inkastoo xilliyadii dhibaatadu ay waddanka ka jirtay uu noqday mid qiimihiisii hoos uga dhacay, balse hadda uu muuqdo mid dib ula soo laabanaya sharafkii iyo karaamadii uu lahaan jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya