4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Dab Khasaare geystay oo ka kacay Degmada Jowhar ee G. Shabeellada Dhexe


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa si lama filaan ah uga kacay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe gellinkii dambe ee  shalay, kaas oo socday illaa xalay fiidkii.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan oo ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla xaafadda Hati-wadaag ee degmada Jowhar uu baab’iyay khayd shidaal oo aad u ballaaran, inkastoo aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay.

“Khasaare xooggan oo dhinaca hantida ah ayaa ka dhalatay dabka, wuxuuna ka kacay goob kayd shidaal ah oo gobollada dalka intooda badan ay shidaalka ka qaadan jireen,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada shidaalka oo saaka la hadlayay warbaahinta Jowhar.

Dabkan oo aan la ogeyn illaa iyo hadda waxa sababay ayaa socday muddo afar saacadood oo xiriir ah, iyadoo markii dambe ay shacabka degmada iyo maamulkuba ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka.

Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa xusay in hanti badan oo ay lahaayeen shacabka Soomaaliyeed uu dabku baabi’iyay, iyagoo sheegay in gurmad ballaaran oo shacabka iyo maamulka ah lagu damiyay dabka.

Ganacsatadii shidaalku ka gubtay ayaa sheegay in dabka ay ku  gubteen lacago caddaan ah iyo shidaal, iyagoo xusay in lacag gaaraysa malaayiin doollar oo khasaare ah uu dabku dhaliyay.

Kaydka shidaalka ee uu dabku baab’iyay ayaa waxaa tan iyo xalay ilaalo ka hayay ciidamada amniga degmada Jowhar si ay uga hortagaan in tuugadu ay qaataan wixii hanti ah ee ka badbaaday dabkaas.

Waa markii ugu horreysay oo dab noocan oo kale ah uu ka kaco degmada Jowhar tan iyo markii ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay degmadaas kala wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya