4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
MADAXWEYNE XASAN: Waxaa la joogaa xilligii aan horumarin lahayn dalkeena


Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in la gaaray xilligii loo jeesan lahaa horumarinta Soomaaliya, isagoo sheegay in laga adkaaday Al-shabaab, Soomaaliyana ay gashay waa cusub oo colaadaha ka duwan.

Xasan Sheekh oo dadweynaha kula hadlayay Baraawe ayaa xusay inay ka go’an tahay dowladdiisa inay horumariso dalka, isagoo balanqaday inay ka go’an tahay inay dalka ka dhacdo doorasho marka la gaaro 2016-ka.

“Soomaaliya waxay cagta saartay jidkii horumarka iyo cabsi la’aanta, waa in loo guntado horumarinta dalka, sida dib u dhiska iyo nabadeynta,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray inay dhammaatay xilligii laga baqi jiray in Al-shabaab ay dhibaato sameyso.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ummadda Soomaaliyeed ay hadda u dhalatay Soomaaliya cusub, kaddib markii deegaanno badan laga saaray Al-shabaab oo uu ku sheegay inay ahayd caqabaddii hortaagnay dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Soomaaliya waa cusub ayaa u baryay. Waxaan rabnaa Soomaali cusub in aan abuurno oo aan hadda bilawno, dib u dhis, horumarin iyo nolosha cusub ee Somalia, si aan u soo celino sharaftii ay ummaddeenna ku dhex lahayd caalamaka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Fikirrada takfiiriga iyo qabaliga ah ma ahan inaan ku mashquuleyno, kuwaas  waa jidkii shalay ee aan ku lunnay, waxaana doonaynaa in isbedel lala yimaado.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dunida ay isku-tashtaan kana shaqeeyan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen, ugana saari lahaayeen maalmihii mugdiga iyo dar-xumada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya