4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2014
Mareykanka oo Shacabkiisa uga digay inay booqdaan Dalal ay ku jirto Somalia

Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Xukuumadda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay booqdaan dalal ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay soo baxeen fariimo muujinaya in shacabka iyo danaha Mareykanka lagu beegsanayo dalalkaas.

War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu xusay in Washington ay cabsi qabto in muwaadiniinteeda loo beegsado duqeynta ay kawaddo deegaanno ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaasoo ay kula dagaalamayso kooxda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish.

“Warbixinnada hadda la lehay ayaa muujinaya in kooxda ISIS ay waddo qorshayaal ay ku doonayso inay ku weerarto muwaadiniinta Mareykanka ah iyo danaha Mareykanka intaba, sidaa daraadeed muwaadiniinta Mareykanka waa inay taxadar muujinayaan,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda kasoo baxday.

Kooxaha kala ah AQIM, Boko Haram iyo Al-shababka ayay warbixintu xustay inay dhici karto in weerarro ay qaadaan, kuwaasoo ay suuro-gal tahay in ay waxyeello kasoo gaarto muwaadiniinta Mareykanka ah ee caalamka ku firirsan.

Dalalka looga digay inay muwaadiniinta Mareykanka ah booqdaan ayaa kala ah; Mali, Senegal, Niger, Chad, Sudan, Somalia, Kenya, Nigeria, Jabuuti iyo Eritrea, kuwaasoo ay wasaaraddu sheegtay inay dhici karto in shacabkooda ay khatar kasoo wajahdo haddii ay tagaan.

Ma ahan markii ugu horresay oo dowladda Mareykanka ay muwaadiniinteeda uga digto inay booqdaan dalal ay Somalia ku jirto, kuwaasoo ay qaarkood ay ka dagaalamaan xoogag Islaamiyiin ah oo isku xiran.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay bishii hore duqeyn ku dileen hoggaamiyihii Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo xubno sarsare oo kooxda ka tirsan. Sidoo kalena ay haatan wadaan duqeyn ay ku hayaan kooxda ISIS.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya