4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
SAWIRRO: Booqashadii Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Baraawe


Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose halkaasoo toddobaadkii hore ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Fagaaraha weyn ee degmada Baraawe ayuu madaxweynuhu kula kulmay dadweynaha degmadaas, waxaa ka hadlay salaaddiinta gobolka, gaar ahaan kuwa degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda.

Hoggaamiyayaasha dhaqanku waxay diirran saareen booqashada wafdiga madaxweynuhu ay ku tageen degmadaas, waxayna ka codsadeen in muhiimad gaar ah ay dowladdu siiso sugidda amniga, daryeel caafimaad oo aan hadda jirin iyo in gurmad raashin oo deg-deg ah lala soo gaaro shacabka Baraawe.

Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay madaxda gobolka Shabeellada Hoose oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka, C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Siidii), iyadoo madaxweynuhu uu hadal u jeediyay shacabka degmadaas.

“Waxaan idin kugu hambalyeynayaa inaad Shabaab ka xorowdeen. Dhanka kale dowladdu waxay culeys weyn saaraysaa sidii ay wax uga qaban lahayd baahida dhinacyada badan ee ay nabaddoonada Baraawe ka dhawaajiyeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Shabeellada Hoose ee qurbo-joogta ah inay u soo gurmadaan walaalahooda ku nool Baraawe iyo guud ahaanba dadweynaha gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia wuxuu intaas ku daray in Baraawe ay tahay magaalo leh il-baxnimo fog oo Islaami ah, haddana lagu dadaali doono sidii loosoo celin lahaa wax-soo-saarkii degmadu caanka ku ahayd.

Xasan Sheekh ayaa ku celiyay in loo baahan yahay in dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab hadday ka tanaasulaan fikirka Al-shabaab loo baahan yahay in la cafiyo loona sameeyo dhaqan celin.

Dhoofinta dhuxushu ayuu madaxweynuhu ka hadlay isagoo xusay inay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana aan dowladdiisu aqbali doonin in dhuxul la dhoofyo.

Madaxweynuhu wuxuu soo eegay dhuxul-buuro noqotay oo ku xeebta degmada Baraawe ku raseysan, taasoo u diyaarsanayd in la dhoofiyo intii aan Al-shabaab laga qabsan degmadaas.

Booqashadan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay mas’uuliyiin kasoo jeeda gobolka Shabeellada Hoose oo uu ka mid yihiin; wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Burci Xamsa iyo xildhibaanno. Waxaa kaloo wafdiga madaxweynaha ka mid ahaa taliyayaasha ciidamada xoogga dalka, nabadsugidda iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya