4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
Kenya oo sheegtay inay duqeyn cirka ah ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab

Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Milateriga dowladda Kenya ayaa sheegay inay duqeyn diyaaradeed ku dileen 60-dagaalyahan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay Jmcihii ku duqeeyeen fariisiin ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Buulo-guduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeen u hadlay milateriga Kenya ayaa sheegay inay sidoo kale duqeynta ku burburiyeen shan gaadiidka dagaalka ah, isagoo xusay in qayb ka mid ah ciidamadan oo baxsaday ay aadeen dhinaca degmada Jilib.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab ay isla goobta ku dhaawaceen, isagoo xusay in duqeyntan ay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro xoogagga Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ay Kenya sheegtay inay ku dishay xubno dagaalyahannadooda ka tirsan, iyadoo deegaanka Buulo-guduud oo ay ka talin jiray Al-shabaab ay dhawaan la wareegeen ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn ka geystay dhawaan duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay in duqeyntaas ay ku dileen 10-dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Hadalka milateriga Kenya ayaa imaanaya iyadoo shalay ay koox Al-shabaab ka tirsan ay kasoo afduubeen deegaan ku dhow degmada Lamu ee Xeebta dalka Kenya shan ruux oo Kenyan ah iyo laba gaari oo ay wateen.

Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxay qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo ka qaybgala  gobollo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla oo ay ku jiraan kuwa Jubbooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya